Thursday 16 June 2011

XOG HOOSE: Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada DKMG oo Qorsheynaya inay Iscasilaan

Muqdisho (RBC) Warar lagu kasoon yahay oo RBC Radio goor dhow ka hel;ey ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay iscasilaan.
Warkaan oo aanu ka helnay ilo wareedyo muhim ah laguna kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in wasiirada qaar ee ku fikirka ah madaxweynaha ee ku jiea golaha xukuumada uu hogaamiyo raysul wasaare Farmaajo ay banaanka soo dhigeen inay doonayaan inay xilka iska casilaan si ay ugu fashiliyeen go’aanka adag ee uu shalay qaatay raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo.
Xubnaha iscasilaya oo dhamaantood ah xubnihii uu golaha keensaday madaxweyne Shariif ayaa waxaa ka mid ah:
1- C/kariin Xasan Jaamac (Wasiirka warfaafinta)
2- C/rashiid Khaliif Xaashi (Wasiirka hawlaha guud)
3- Maxamed C/laahi Omaar (Wasiirka arimaha dibada)
4- C/nuur   Macalin (Wasiirka waxbarashada)
Wararkan oo isa soo taraya ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu saacadihii u dambeeyey xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay xubnahan isagoo ka dalbaday inay iscasilaan maadaama uu raysul wasaaruhu ka hor yimid heshiiskii Kampala oo la doonayey in raysul wasaaraha meesha looga saaro.
RBC Radio ayaa ogaatay in illaa hadda saddex wasiir ay ogolaadeen amarka Sheekh Shariif kuwaasoo kala ah  C/rashiid Khaliif Xaashi (Wasiirka hawlaha guud) iyo C/kariin Xasan Jaamac (Wasiirka warfaafinta) oo labaduba ka soo jeeda Puntland. Balse waxaa weli aan arintan ku qancin wasiirka arimaha dibadda Maxamed C/laahi Omaar oo waayadan dambe raysul wasaaruhu saaxiibo ahaayeen.
Xafiiska madaxtooyada oo RBC Radio xiriir la sameeyey ayaa gebi ahaan diiday inay xog ka bixiyaan arintan, waxaana si weyn maanta u socda dhaqdhaqaaq ku aadan sidii arintan loo meelmarin lahaa.
Haddii arinta iscasilaada wasiiradan ay u dhacdo sida madaxweynuhu u rabo waxay la mid noqoneysaa shirqoolkii lagu sameeyey xukuumadii Cumar C/rashiid markii ay isqabteen madaxweyne Shariif sanadkii hore.
WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...