Sunday 5 June 2011

Xisbiga Maxkamadaha Islaamiga oo maanta ku dhawaaqay guddi qabanqaabiya shir weyne SAWIRRO


Published on May 28, 2011 by Editor1   ·   5 Comments  ·   3,843 views
Xisbiga Makamadaha Islaamiga ah oo maanta ku dhawaaqay Guddi ka shaqeeya qaban qaabada shirweyne ay isugu yimaadaan xubnihii Maxkamadaha.
kulan ballaaran oo maanta ay isugu yimaadeen Xisbiga Maxaakiimta islaamka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen in ka badan 200 oo xubnood oo ka kala socotay saraakiishii Maxkamadaha, Aqoonyahano iyo culuma’udiin ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban Kow iyo Labaatan xubnood, kaas oo qaban qaabinaya shirweyne ballaaran oo loogu yeerayo dhamaan xubihii ka midka ahaa Midoowgii Maxkamadaha islaamiga.
kualnka ayaa intii uu socday waxaa mas’uuliyiinta xisbigu ay warbaahinta u gudbiyeen waxqabadkii Midoowga Maxkamadaha, marxaladihii ay soo mareen iyo sidii ay ku aas aasmeen.
guddoomiye ku xigeenka guddiga qabanqaabada Sh. C/raxiin Ciisa Caddoow oo saxaafaadda u aqriyay qodabadii ka soo baxay shirkoodii maanta ayaa sheegay in ay sababaha xibiga markale loo soo nooleynayo ay ka mid tahay marxalada kala guurka ah iyo baahida looqabo dowladnimo iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada.
guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in xisbigu  soo dhaweynayao go’aamadii ka soo baxay shirkii Q/midoobay ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya isla markaana ay taageerayaan howlgallada iyo guulaha ay gaarayaan ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyadka Al shabaab kana xunyihiin wax yeelada shacabka Soomaaliyeed ka soo gareysa dagaalada ka socda dalka.
dhinaca kale gudoomiyaha Xisbiga Maxaakiimta islaamiga oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga maabaadii’diisu ku dhisantahay Shareecada Islaamka uuna ka dhexeeyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ayna ku jirin faragalin shisheeye.
Maxkamadihii Islaamka ayaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen wax ka qabashada amniga iyo isu furidadalka.
Akhriso War-saxaafadeedka.
War-saxaafaded.            28/05/2011
Taariikhda maxkamadaha Islaamiga
Maxkamadaha islaamiga ah waxa ay soo bilowdeen kaddib markii dowladdii milatariga ay burburtay, Waxayna soo mareen marxalado kala duwan, waxaana keentay duruuf adag oo jirtay xilliyadii la soo bilaabay, Waxaana unkidda maxkamadaha qayb wayn ku lahaa Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoon yahanka, haweenka, Dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wax qabadkii Maxkamadaha Islaamiga
Waxay wax badan ka qabteen Arrimaha nabad gelyada sida la dagaalanka burcadda, afduubka, iyo wax kasta oo dhibaato amni darro ku hayay bulshada,
Waxay ahaayeen maxkamaduhu goob bulshadu u xukun tagta oo kala saarta dadka wax isku haysta  maadaama ay burbureen hay’adihii amaanka iyo garsoorka, Waxaana lagu xusuustaa waxyaabihii ay qabteen furidda waddooyin waaweyn oo muddo xirnaa sida wadada Makka Al-mukarrama, Waxaa kale oo ay dib u fureen ilaha dhaqaale ee dalka Sida dekadda, garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli la isticmaalayay garoomo iyo dekado macmal ah oo umuddu dhib badan ku qabtay, Muqdisho-na ka fog
Waxaa lagu xasuustaa;
In ay hormuud ka ahaayeen muqawamadii lala galay xilligii ciidama Ethopia ay soo galeen Dalka.
Sidoo kale waxa ay galeen wada hadalkii JABUUTI kadib markii ay u arkeen in maslaxadda umaddda Soomaaliyeed ku jirto dhibaatadii taagneydna looga gudbi karo, taas waxaa ka dhashay in ciidamdii Ethopia dalka ka baxaan lana dhiso dowlad wadaag ah oo ah  Dowladda KMG ee maant Dalkla ka jirta.
Sababaha keenay in la dhiso xizbi ku abtirsada  Maxkamadihii islaamiga ee lahaa tariikhda aan soo sheegnay waa;
  • Markaan arragnay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo garowsanayna baahida loo qabo dowladnimada iyo in si nadiif ah loogu tartamo  hogaanka dalka  iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan.
  • Waxaa shir isugu yimid Saraakiil ka mid ahaa Maxkamadaha Islaamiga oo gaaraye 200 qof waxana go’aansadeen in la baadi goobo dhamaan dadka ku abtisarda maxkamadihii islaamiga iyo dhamman umadda Soomaaliyeed si loo dhiso xisbi siyaasi ah, Waxayna doorteen Guddi KMG oo 21 xunood ka kooban oo qabanqaabiye shirweyne si wadajir loogu dhiso xizbiga.

  • Guddiga KMG ee laga soo saaray shikaas waxay diyaarinayaan shirweyne ay ka soo qayb galaan dhamaan qaybaha bulshada sida culimada, aqoonyahanka,ganacsato, qurba joogta ,dhalinyarada haweenka. Waxay diyaariyeen Xeerka guud iyo barnaamij siyaasadeed ee xisbigu yeelan doono oo qabyo ah.
  • Waxaan diyaar u naahy in aan ka qayb qaadanno qorshaha dib u dhiska dalka iyo adeegga shacabka iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan iyo tartanka nadiifka ah.
  • Waxaan soo dhawaynaynaa go’aankii ka soo baxay shirkii Golaha ammaanku ku qabteen Nairobi ayna  ka qayb galeen Madaxweynahaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha iyo Maamul goboleedyada dalka. Waxaan u aragnaa in ay fursad muhiim ah tahay in talada umadda Soomaaliyeed loo soo celiyo, shirka bisha june ka dhacayana Muqdisho go’aan looga gaaro waqtiga kala guurka ah waxa laga yeelayo,
  • WAxaan soo jeedinayanaa in shirka juune  guddoonkiisu yeelata Umadda Soomaaliyeed,
  • Waxaan soo dhawaynaynaa Guuulaha isdaba joogga ah oo ay gaareen Ciidamda Dolwladda iyo kuwa AMISOM, waxaana u aragnaa in ay tahay waajib wadani ah in dalka laga xoreeyo cid kasta oo diidan Qaranimada Soomaaliya Magaca ay doonto ha lahaatee.

  • Waxaan ka xunnahay dhibaatada joogtada ah ee dagaaladu keeneen  sida dhimashada, dhaawaca ,qaxa, Burburka hantida IWM, Waxana Allaah uga baryaynaa in uu si deg deg ah nooga dul qaado .
BAAQ
Waxaan baaq u soo jeedinaynaa Dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Alle waxsiiyay sida Ganacsatada, Jaaliyadaha dibedda iyo cidkastoo awood u leh in ay gacan ka geysato dadka tabaaleysan ee duruufaha adagi ku xeeranyihiin in si deg deg ahna gar gaar bini- aadanimo loola gaaro.






Readers Comments (5)

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...