Sunday 19 June 2011

Xildhibaan Mowliid Macaane: C/weli Muudey ayaa ka Dambeeyey Falkii Amisom Maanta ay ku Sameysay Xildhibaanada



 
Muqdisho (RBC) Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka mid ah mudanayaashii maanta ay ciidamada Amisom ka horjoogsadeen kulan ay ku yeelan lahaayeen xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in C/weli Muudey oo ah gudoomiye ku xigeenka barlamaanka uu ka dambeeyey ishortaagii lagu sameeyey kulanka barlamaanka.
“Waxaa nasiib daro ah in dd sheeganaya masuuliyada barlamaan ay xildhibaanadii ku soo dalbadaan Amisom” ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Macaane.
Wuxuu sheegay in amarka maanta lagu horjoogsaday kulankii ay isugu iman lahaayeen in ka badan 150 mudane uu bixiyey C/weli Muudeey.
“C/weli Muudey Isagaa bixiyey oo amray in xildhibaanada la handado oo la yirahdo ka taga meesha haddii kale waa idin xabadeyneynaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaanka.
Hor istaaga Amisom ay ku sameeyeen kulanka ay yeelan lahaayeen xildhibaanada barlamaanka ayaa soo baxay daqiiqado ka dib markii Shariif Xasan iyo ku xigeenkiisa C/weli Muudey ay diyaarad kaga soo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shalay ayaa xildhibaanada dib u furteen xaruntii golaha shacabka iyagoo sheegay in ay sii wadi doonaan kulamadooda ayna ka hor iman doonaan heshiiska Kampala ee labada Shariif ku soo gaareen dhowaan.
Ma jirto wax hadal oo illaa haatan ka soo baxay taliska ciidanka Amisom oo ku saabsan talaabada ay ku horjoogsadeen kulanka mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...