Friday 3 June 2011

Warsaxaafadeed Wadajir ah: Dowladda KMG iyo AMISOM

War saxaafadeed wada jir ah oo ka soo baxay AMISOM iyo Dowladda KMG ayaa looga hadlay xaalada Suuqa Bakaaraha, iyadoo loogu xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay inay bad baadiyaan hantida taal suuqa Bakaaraha.

Hadaba war saxaafadeedka wada jirka ahaa ayaa sida u qornaa:-

DFKM iyo AMISOM oo ku Dhiirrigeliyey Ganacsatada Bakaare iney Alshabaab ka Dalbadaan inay isagatagaan Suuqa.

Dowladda Faderaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa u xaqiijiyey bahda ganacsatada Muqdisha sida ay uga dhabtahay difaaca shacabka ku nool Bakaare iyo hantidooda.

Todobaadyadii ugu dambeeyey xoogagga dowladda Soomaaliyeed oo ay badhitaarayaan ciidamada AMISOM ayaa qaaday hawlgallo meletari oo lagu sugaayay ammaanka agagaarka suuqa si looyareeyo khatarta ka imanayso kuwa xagjirka ee Alqaacida kuxiran.

In la sugo ammaanka Suuqa Bakaare ayaa waxay inoo tahay muhiim weyn, maadaama ay maleeshiyaadka Alshabaab intay weerar kusoo qaadaan meelaha dadweynaha ku noolyahay iyo ciidankeenaba, hadane dumarka iyo carruurta gadaashooda ku isku qariyaan, “ayuu yiri Wasiirka Difaaca DFKM C/xakiim Maxamud Haji Faqi, “ waliba waxay lacag baad ka qaataan ganacsatada suuqa iyaga oo u adeegsada lacagtaas inay kusoo huriyaan ololahooda argagaxisanimo ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxa Maamulka Ciidanka AMISOM, Col. Innocent Oula ayaa caddeeyey in xoogagga wadajirka ay inta tabartooda iska ilaalinayeen iskahorimaad ka dhaca suuqa dhexdiisa, halkaasoo ubuc u ah ganacsiga ka jira caasimadda. “ Iyada oo xoogaggeena wadajirka ah kaabiga ku hayaan suuqa ayaan u banneynay Maleeshiyada irrid u furan si ay uga baxaan. Waxanuna ku boorrineynaa inay ka faa’ideystaan fursaddaan iyada ah si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed loogana baaqsado dhibta.” ayuu yiri Korneelku.

“Ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay hawlaha ganacsi ee caadiga ah ee suuqa kasocda mana faragashanayno. Taas liddigeed waxaynu u fududeynaynaa ganacsatada hawlahooda xalaasha ah innaga baabi’inayna baadda ay ka qaadaan kuwa xagjirka ah islamarkaana waxaan dib-ufuraynaa waddooyinkii ay ka xayireen inay maraan ganacsiga iyo isusocodka dadka rayidka ah, “ ayuu yiri wasiirka isaga oo sii raaciyey dowladdu had iyo jeer way ku hanweynayd inay aragto ganacsigii oo caadi u socda marka kuwa xagjirku meesha ka baxaan.

“Sida ay wax noqon doonaan iyaga ayay ku xidhantahay. Haddii ay ka madax adeygaan inay suuqa isaga tagaan, hadde wax kale inooma furna oo aan ka ahayn inaan khasab uga saarno suuqa. Ayuu yiri isaga kusii daray “ qorshe walba oo hawshaas lagu fulinaayo aad ayaa looga taxadari doonaa yareynta waxyeelada nolosha dadka iyo hantidooda labadaba.”

Xoogagga Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa imanka suuqa weyn ee Bakaare kaga soo dhawaanaya 3 jiho, iyaga oo xoogagga u furey irridda Waqooyi-Bari si ay uga baxsadaan kuwa macangagga ah. Ciidamada AU Suuqa Bakaare waxay u texgeliyaan meel ka caagan hubka madaafiicda iyo hoobiyahaba.

Dhammaad

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...