Sunday 19 June 2011

Warbixin Sir ah oo Laga Heley Ethiopia: Shakhsiyaad, Ururo, Jaamacado iyo Hay’ado lagu Eedeeyey Kacdoonka Isbedelka Soomaaliya



 
Addis ababa (RBC)  Warbixin sir ah oo laga heley saraakiil Ethiopian ah oo RBC Radio wariye ka tirsan uu arkay ayaa si cad shaaca uga qaaday in Ethiopia ay walaac ka qabto shakhsiyaad, ururo, hay’ado iyo jaamacado ku yaalla Soomaaliya kuwaasoo bulshada u tababara kacdoon isbedel doon ah siday ku dooday Ethiopia.
Warbixintan ayaa lagu taageeray qorshaha labada Shariif iyo heshiiska Kampala ay ku gaareen kaasoo dalka gelinaya gumeysi cusub, waxayna warbixintan sheegtay in raysul wasaare Farmaajo iyo raga ku jira golihiisa wasiirada ay abuureen dareen wadaniyadeed oo gudaha dalka ah taasina ay khatar ku tahay amniga Ethiopia.
Maxamed C/laahi Farmaajo
Raysul wasaare Farmaajo ayaa ah raysul wasaaraha kaliya ee aan waligiis booqasho ku tegin Ethiopia intii uu xilka hayey, sida ay xustay warbixinta. Wuxuuna Mudane Farmaajo aaminsanaa in labada dal ay kala madax banaan yihiin saaxiibtinimo waa halkeede.
Waxayna arintasi ka mid tahay dagaalka ay Ethiopia ku qaaday siyaasada xukuumada Soomaaliya iyadoo raysul wasaare Zenawi uu qeyb weyn ku lahaa waxyaabihii ku qornaa heshiiska Kampala.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la eedeeyey
Waxaana warbixintaasi oo aad u dheer ku jira eedeyn loo soo jeediyey gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan iyo xubnaha golaha wasiirada oo la sheegay inay iyagu abaabuleen kacdoonka dadweyne ee ka dhacay gudaha dalka kaasoo lagu diidanaa heshiiskii Kampala.
Waxayna Ethiopia sheegtay in kacdoonkaasi uu ahaa mid u eg wadaniyad khatarna ku ah amaanka gudaha iyo wadamada deriska ah.
“Tarsan iyo wasiiro ayaa u adeegsada lacagta dawlada inay qas iyo fawdo ku abuuraan oo ay dadka ku kiciyaan” ayey tiri warqadaasi oo xogta ay sido laga diray Muqdisho.
Shakhsiyaad iyo ururo la magacaabay
Xasan Macalin
Sidoo kale waxay warbixintan ay soo saaray dawlada Ethiopia ku eedeysay inay dibadbaxyada kacdoonka wax ka abaabuleen Xildhibaan Yuusuf Caynte oo ka tirsan barlamaanka KMG Soomaaliya iyo Xasan Macalin oo hore u ahaa saaxiibka Sheekh Shariif balse dhawaan ay kala boodeen, waxaana labdaasi nin lagu tilmaamay inay dadweynaha ku kiciyeen labada Shariif. 
- (Yuusuf Caynte oo ka tirsanaa barlamanka KMG  wuxuu hadda joogaa Muqdisho wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee takhasuska u leh aqoonta diint Islaamka)
- (Xasan Macalin wuxuu mar ahaa wasiiru dawlihii madaxtooyada isagoo ahaa la taliyaashii ugu dhawaa ee Sheekh Shariif, laakiin wuu isaga tegey ka dib markii uu u dulqaadan waayey siyaasad xumada Sheekh Shariif. Wuxuuna hadda joogaa London.)
Al-Islaax iyo Jaamacada Muqdisho
Ururka Al-Islaax, Jaamacada Muqdisho, Dallada waxbarashada FPENS iyo ururo samafal iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayey warbixintu sheegtay in ay qeyb ka yihiin abaabulada ka dhanka ah labada Shariif. 
Waxayna saraakiisha Ethiopia sheegeen in dallada FPENS oo ay hoos yimaadaan in ka badan 200 dugsi iyo madrasado Quraan iyo Jaamacada Muqdisho oo ah  tan ugu weyn Soomaaliya ay hoostagaan Al-Islaax oo ah urur Islaami ah oo toos ugu xiran ururka Ikhwaanul Muslimiin (Muslim Brotherhood) ee wadanka Masar.

5 comments:

Anonymous said...

Yesterday, while I was at work, my sister stole my iphone
and tested to see if it can survive a 25 foot drop,
just so she can be a youtube sensation. My apple ipad is now destroyed and she has
83 views. I know this is totally off topic but I had to share it with someone!


Stop by my site :: bancuri traznite

Anonymous said...

Very nice article, just what I was looking for.

Feel free to surf to my webpage ... jocuri online golf

Anonymous said...

Very good info. Lucky me I ran across your website by chance (stumbleupon).
I've saved as a favorite for later!

my web blog - jocuri online gratis mario

Anonymous said...

Attractive component to content. I simply stumbled upon your blog and
in accession capital to say that I get actually enjoyed account your blog posts.
Any way I will be subscribing for your feeds or even I achievement you access consistently rapidly.


Visit my website :: jocuri online cu masini

Anonymous said...

Hi mates, its fantastic paragraph about cultureand entirely
explained, keep it up all the time.

my website ... bancuri cu prosti

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...