Tuesday 14 June 2011

Warar Sheegaya in Wasiirka Maaliyada, Xuseen Cabdi Xalane ama Axmed-madoobe loo rabo Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirro Iscasilaya



Muqdisho:- Inkastoo Farmaajo diiday inuu iscasilo; weliba uu magacaabayo wasiirro ayaa haddana dhanka kale waxaad mooddaa in labada Shariif la heleen qonof! Inkastoo wasiirrada qaar yihiin qurbojoog u xaglinaya Farmaajo haddana waxaa la sheegayaa in Shariif amar siiyey wasiirrada qaar inay is casilaan. Waxaa wasiirradaas lagu sheegay kan warfaafinta, wasiirka maaliyadda Xalane, Suufiga ina macallin Nuur ah, iyo kuwo kale.
Waxaa la sheegayaa in Shariif sheekh Axmed ra’iisul wasaare u wado kooxda Xalane iyo Axmed-madoobe. Micnuhu waxaa weeyey markaan waxaa lagu fiirinayaa Ogaadeen bay hadda keeni karaan ciidan la dagaala Shabaabka! Farmaajo wuxuu noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu muddo yaraa! Lama hubo in Gaandi ooy Shariif kala gidaadeen dib loogu soo celinayo khadka oo ra’iisul wasaare la siinayo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa Farmaajo ku dhacay dabin uusan ka bixi karin! Waxaa u fiicneyd in saacadduu soo dagay iscasilo. Hadda wataas islaantii Maraykanka ahayd iyo Zenawi leeyihiin looma baahna khilaaf, soona dhoweeyeen heshiiska laba Shariif.
Ciyaal-macno-malehda wasiirrada ah ee akhrin kara luuqdaha gaalo waxaa ka hoosbaxday inaanba la rabin qof Ingiriis akhrin kara. Waxaa la rabaa qof warqad Ingiriis ku qoran laga saxiixdo isagoon akhrin karin! Saasaa la rabaa in badda iyo berriga lagu dhaco! Shirkado calooshood-u-shaqeystayaal ah la keeno. Marka Farmaajo waa isagii lahaa Muqdishaan ka difaacayaa Hillary Clinton halka iyadu rabto in Farmaajo baxo oo labada Shariif wax soo dhisaan!
Marka aan sugo waxa ka soo naaso caddaada warkaas!

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...