Monday 20 June 2011

WAR DEG DEG AH: Magacaabistii C/wali Gaaz oo lagu kala booday, Shariif Xasan oo carooday, iyo Saxaafada oo la kala diray

Magacaabistii la filayay in saacadaha dhow la shaaciyo ee ahaa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa goor dhow lagu kala booday, kadib markii madashii la filayay in lagu dhawaaqo uu si lama filaan ah uga tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, oo tan iyo saaka wada hadalo u socdeen isaga iyo Madaxweynaha.

Wada hadalada Labada Mas'uul oo ku qotomay in si deg deg ah lagu magacaabo Ra'iisul Wasaaraha rasmiga, si aan waqtiga u sii dheeraan ayaa Shariif Xasan uu si horu dhac ahaan u aqbalay, soo jeedinta Madaxweynaha oo aheyd in Dr. C/wali Gaaz oo xilka sii haye ahaan shalay loogu magacaabay in Ra'iisul Wasaaraha uu si rasmi u sii ahaado.

Wariyeyaasha ayaa markii dambe lagu wargeliyay inay kala dareeraan, ilaa tan iyo dib looga wada hadli doono, waxaana la arkayay Shariif Xasan oo caro uga soo baxay Hoolkii ay ku sugnaayeen, Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaarihii is casilay iyo Ra'iisul Wasaaraha la filayay in lagu dhawaaqo.

Inkastoo wada hadalada ahaayeen kuwo aad u dheeraa ayaa waxaa muuqatay in is afgarad uu jiro, taasoo ka dhalatay in Saxaafada loogu yeero Madaxtooyada si loogu dhawaaqo, waxaana markii dambe loo yeeray Wariyeyaasha gudaha iyo dibada.

Hoolkii shirka jaraa'id lagu qaban lahaa ayaa markii ay soo galeen C/wali Gaaz oo qaab Borotocol u labisnaa, gadaalna ay ka taagnaayeen saraakiil ayaa wariyeyaasha ay durba garteen inuu yahay ninka lagu dhawaaqayo, iyadoo uu dhinac socday Ra'iisul Wasaarihii is casilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu goobta ka istaagay markii indhihiisa ay qabteen Farmaajo, hase ahaatee qancin badan kadib oo aheyd in Farmaajo uu goob joog ka ahaado magacaabista uu booday Shariif Xasan, taasoo keentay in Wariyeyaasha lagu amro inay kala dareeraan.

Mid ka mid ah wariyeyaasha looga yeeray Madaxtooyada ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Shariif Xasan uu ka carooday in Farmaajo uu goob joog ka ahaado ku dhawaaqista, taasna uu Shariif Xasan u gartay in aanay waxba iska bedelin kursigii uu shalay iska casilay, maadaama Dr. C/wali ay yihiin kuwo saaxib isku dhow.

Warar ay xooraansatay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in saaka ay is faham ku gaareen hab dhismeedka Golaha Wasiirada la magacaabi doono, kaasoo si horu dhac ahaan Labada Shariif ugu heshiiyeen in laga dhigo 27-Wasiiro, isla markaana xilalka Muhiimka ah ay qeybsadaan, taasoo iyana hada laga yaabo in labada dhinac ay ku kala tagaan.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in wada hadalada ahaayeen kuwo adag, isla markaana is fahamka labada dhinac uu ahaa mid la xiriiray arrinta soo xulida Golaha Wasiirada, marka laga reebo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha oo ay meel isla dhigeen inuu noqdo Prof. C/wali Maxamed Cali.

Wixii warar dheeraad kala soco Shabakada Jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...