Tuesday 14 June 2011

Wadaaddada Jigjiga ku Shiraya oo ka Codsaday Zenawi inuu u Sharfo siduu Ibraahim-dheere u Sharfay, una soo Xiro Shirka


IBRAAHIM-DHEERE OO LA FADHIYA ZACIIMKIISA ZENAWI



Somalimidnimo.com:- Waxaa la xaqiijiyey in Ibraahim-dheere iyo wadaaddadaasi ka dalbadeen inuu Zenawi  shirka u furo ama u xiro! Kollay furitaankii ma joogin. Lama hubo inuu usoo xaadirayo gunaanadka shirka! Zenawi waxaa laga sheegay inuu yiri: haddaad keeni lahaydeen sheekh Umal iyo Sheekh Shibli waan imaan lahaa laakiin maaddaama aydaan keenin;  waxaa iga wakiil ah Cabdi Iley!
Soomaali badan lama socdaan adduunka oo waa lax dhukan abaar moog! Hadday Soomaalidu muslim yihiin oo binu Aadam yihiin waxaan ku dhaarineynnaa Allaha Weyn! Annagu muslim baan nahee; soow Soomaalidu ma oran jiray xitaa gaal dil; gartiisana sii! Marka waxaan idin weydiinnay: yaa fiican inaad qaabisho qof addoon ah oo la leeyahay iyo ninkii lahaa? Inay wadaaddadaas jeclaan lahaayeen kulanka  Zenawi waxaa u daliil ah hoos ka fiiri guddoomiyaha imaamyada Waqooyiga Ameerika, sheekh C/Raxmaan sheekh Cumar iyo C/Rashiid Aabi oo la sawiran Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Iley)! Marka niman la shiray wakiilka Zenawi; soow hadday fursad u helaan lama shireen Zenawi? Ama sharaf uma ahaateen?
WADAAD SAWIR LA GALAY WAKIILKA ZENAWI; SOOW ZENAWI LAMA GALEEN?
NIN WAKIILKA ZENAWI ISLA SAWIRAY; SOOW ZENAWI ISLAMA SAWIREEN?
INA ILEY OO SHIRKA U FURAYA WADAADDADAAS

Haddaba wadaaddadaas haddii kuwii la midka ahaa la shireen ina Ileey oo iska sawireen; shaki ma leh inay jeclaan lahaayeen inay sida Ibraahim-dheere ula fariistaan Zenawi. Marka bal aan sugnno dhammaadka shirka in Zenawi halkaas tago!

Run ahaantii haddaan Somalimidnimo.com nahay in ina Ileey shirka xiro iyo in Zenawi xiro waxaa macquulsan in Zenawi xiro! Maxaa yeelay Zenawi isagaa sii xukuma ina Ileey! Marka arrintu waxay ku fiican tahay in qofka madaxda ah wax lagu sharfo. Marka bal aan sugnno in Zenawi siduu Ibraahim-dheere u sharfay uu wadaaddadaas tirada badan u sharfo!

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...