Tuesday 21 June 2011

Tirada dhimashada qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Waxaa sii korodhay tirada dadki ku dhintay qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeyso Daarta Seey Biyaano iyo Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux kuwaasi oo la socday gaari rakaab waday oo marayey halka ay miinadu ka qaraxday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax uu dhacay waxyar kadib marki ay jidka mareen gaadiid kuwa qafilan ah oo ay la socdeen ciidamada Brundi ee ka tirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay jidka dhinaceeda ayaa waxaa la rumeysanyahay in lala damacsanaa ciidamada AMISOM, waxaase markaasi goobta marayey gaadiid ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo baabuur bas ah oo kusii jeeday Ceelasha Biyaha.

Laakiin Afhayeen u hadlay Ciidamada Brundi oo la socday Kolonyada lala damacsanaa qaraxa ayaa sheegay in wax qasaare ah aanu soo gaarin Ciidamadooda, balse gaadiidkooda uu gaaray waxyeelo.
Sidoo kale Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay weerarka qaraxa miinada inay ka dambeeyeen, isla markaana ay qasaare u geysteen ciidamada

Falkaan ayaa waxaa ka xumaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho, hase yeeshee ma ahan wax ku cusub dadka reer Muqdisho oo horay ayey u dhaceen falal miinooyin dhulka hoostiisa lagu aasay oo lagula laayey dad masaakiin ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...