Saturday 25 June 2011

Shabaabka Jowhar oo Dadka u diiday inay Xoolo Qashaan iyo Hilib La’aan Maanta ka jirta Jowhar

Muqdisho (RBC Radio) Al-Shabaabka Jowhar ayaa ku amray dadka ku nool magaalada Jowhar in aysan Xoolaha qalan Karin.waxaana saaka suuqa degmada Jowhar laga soo sheegayaa in ay ka jirto hilib la’aan.
Arintaan ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii Al-Shabaabka Jowhar ay amreen in aanan suuqa Hilibka aanan wax hilib ah aanan lagu qali Karin.
Lama oga waxa ay ka danbaysay go’aanka Al-Shabaab ay ku hakiyeen Hilbkii lagu gadi jiray Suuqyada magaalada Jowhar, laakiin arintaan ayaa waxa ay la xariirtaa amaro ay horay ugu soo rogeen Al-Shabaab deegaanada kale ay ka arimiyaan oo ay ku amreen dadk in aanan xoolo aysan qalin Karin marka laga reebo dad ay ayagu ogyihiin oo ay suuqyada geeyeen.
Wararka saaka ka imaanaya magaalada jowhar ayaa sheegaya in Hilab la aan baahsan ay ka jirto suuqyada magaalada Jowhar isla markaana taasi ay saamayn weyn ku yeelatay dadka ku nool magaalada Jowhar.
Arintaan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay kaga goleeyihiin in dadka xoolaha qalaya ay noqdaan kuwo magaca Alle ku bilaaba marka ay xoolaha gooracayaan.
Waxaana go’aanka Al-Shabaab uu meesha ka saaray dad badan oo aygu horay xoolaha ugu qali jiray suuqyada kala duwan oo ku yaala meelaha ay ka arimiyaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

1 comment:

Anonymous said...

Hello friends, how is everything, and what you wish for to say
concerning this piece of writing, in my view its actually remarkable for me.


My web blog - bancuri noi cu blonde 2012

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...