Wednesday 8 June 2011

Shabaabka Jowhar oo bilaabay diiwaan-gelinta Guryaha TV-yada ku jiraan (Warbixin)

Maamulka Al-Shabaab ee Magaalada Jowhar ayaa maanta Xaafadaha Magaaladaas ka bilaabay diiwaan gelin ama tira-koob ay ku sameynayaan Guryaha ay ku jiraan dhalooyinka ama TV-yada, iyadoo tallaabadaas ay dadka magaalada ku noqotay mid amakaag ah.

Howl galkan diiwaan gelinta ayaa maanta waxaa uu ka bilowday Xaafada Hantiwadaag, iyadoo la arkayay Koox ku hubeysan Hubka fud fudud iyo ragg kale oo saraakiil ahaa oo guryaha garaacayay, deetana ku wargelinayay inay sheegaan magaca milkiilaha iyo mas'uulka guriga, iyadoo ay gudaha u galayeen oo gudaha ay eegayeen hadii guriga ku jiro dhalo.

Raggan ayaa hadii ay ogaadaan in guriga TV- ku jiro ay albaabka guriga ay saarayaan calaamad ama wax lagu garto, taasoo dadka ay aad ula yaabeen, waxaana dadka qaar ay u garteen in lagala wareegay TV-yada iyo dhalooyinka Guriga u yaalo.

Ilaa iyo hada ma cada arrintan iyo sababaha ka dambeysa, hase ahaatee dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa aad u hadal haya hab dhaqankan cusub ee Shabaabka Jowhar la soo baxeen, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in arrintan la xiriirto xaalada dalka ka jirto, gaar ahaan dagaalada ku furan Shabaab.

Dadka ayaa ku tilmaamaya tallaabadan cusub mid ka dambeysay kadib markii dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga soo daayay Telefishinada qaar meelihii ay qabsadeen Ciidamada Dowladda iyo goobihii laga saaray Shabaab, taasoo la sheegayo in aanay Shabaab ogoleyn inay dadka daawadaan.

Sidoo kale arrintan ayaa waxay sidoo kale salka la galeysa arrinta ah Telefishinka qaranka ee Dowladda oo dhowaan hawada soo galay, kaasoo Caalamka oo dhan laga daawanayay, waxaana TV-ga soo gudbinaya waxqabadka Xukuumada iyo dagaaladii ay Ciidamada xooga dalka ay horumarka uga gaareen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Shabaab waxay luminayeen deegaano muhiim ahaa oo ku yaala Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, kadib guluf dagaal ay kala kulmayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay dadka dhiganayay dhalooyinka, si ay caalamka ugala socdaan waxyaabaha dhacaya iyo daawashada Kanaalada kala duwan, iyadoo dadka ay saaranayaan saxan ama diish u sahlayay inay daawadaan Telefishinada kala duwan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...