Wednesday 8 June 2011

Sarkaal ka shaqeynayay Garoonka Diyaaradaha oo saaka lagu dilay degmada Madiina iyo Meydka 3-dhalinyaro oo saaka lagu arkay Huriwaa

Dilal kala duwan ayaa xalay iyo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu la dilay ilaa lix ruux oo uu ugu dambeeyay sarkaal ka tirsanaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo saaka waabarigii lagu dilay degmada Madiina.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabayay Cumar Cabdulle Maxamuud oo loo yaqaanay Cumar Qaldaan, kaasoo qeybta VIB-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka shaqeynayay.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan ay dileen Kooxo Hubeysan oo gaari watay, kuwaasoo beegsaday Marxuumka, markii uu ka soo baxay salaadii subax kadib.

Lama oga ilaa iyo hada sababaha loo dilay inkastoo dilkan uu yahay mid ku cusub degmada Madiina, gaar ahaan qeybta Wada Jir oo ah degmada ugu ammaanka fiican degmooyinka Muqdisho, hase ahaatee dilkaas ayaa waxay keeni kartaa shakiyo ku aadan habka loo fuliyay iyo kooxaha geystay oo gaari ku baxsaday.

Dhinaca kale Meydadka saddex ruux oo dhalinyaro ah oo jirkooda ay rasaas ka muuqato ayaa saaka lagu arkay xaafad ka tirsan degmada Huriwaa, kuwaasoo iyana xalay la dilay.

Sidoo kale waxaa iyana saaka subixii Labo ruux Meydadkooda lagu soo bandhigay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen ragg ka tirsanaa Shabaab oo gaari watay, isla markaana soo dhumay, iyadoo Ciidamada Dowladda ay dileen raggaas.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa saddexdii sano ay caan ku aheyd dilalka qorsheysan iyo meydadka la soo dhigo xaafadaha ama wadooyinka, kuwaasoo meelo kale lagu soo qaarijiyo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...