Monday 20 June 2011

Sababaha Loo Xiray Duqa Degmada Laascaanood

Laascaanood (RBC Radio):- Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka helayno ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xariga Duqa degmada Laascaanood ay ka dambeeyeen laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen Duqa degmada Laascaanood kadib markii ay amar buuxa siiyeen Taliyaha Booliska Gobolka Sool in uu mas’uulkaasi soo xiro.
Axmed Daahir Xaaji ayaa xabsiga Laascaanood ku jira ku dhowaad 24 saac, waxaana soo baxaya warar ku saabsan ujeedada xariga Duqa degmada Laascaanood.
Waxaa la sheegay in Duqa xiran lagu soo eedeeyay in uu shirar beeleedyo maamulka Soomaaliland uusan raali ka aheyn uu la qaatey Odayaasha gobolka Sool, kulamadaasi oo la sheegay in looga hadlayey dad ay magaalada Laascaanood ka xir xireen ciidamada Soomaaliland kuwaasi oo loo gudbiyey xabsiga Mandheera kuwa kalena lagu hayo xabsiyada Laascaanood.
Soomaaliland ayaa walaac ka muujisay howlaha la sheegay in Duqa Laascaanood uu lugaha kula jiro, waxayna u aragtay kulamada uu la lahaa Odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwa looga soo horjeedo siyaasada Soomaaliland, waxaana qaar ka mid ah Wasiirada Soomaaliland oo ku sugan Laascaanood ay amar ku bixiyeen in Duqa la soo xiro.
Xariga Duqa Laascaanood ayaa waxaa caro ka muujiyey Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Sool oo sheegay in ay tahay arintaasi mid magac dil ah oo mas’uul sharafta looga qaadayo, waxayna maamulka Soomaaliland ka codsadeen in la sii daayo mas’uulkaasi oo xoriyadiisa dib loo siiyo.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...