Sunday 5 June 2011

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo shacabka soo dhex galay, xarigana ka jaray wado dib loo dayactiray (Daawo-Sawirada)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta markii u horeysay soo dhex galay shacabka, isagoo kala qeyb galay munaasabad dib loogu furayay wado dhowaan uu dayactir ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Mr Farmaajo oo soo gaaray wadada Ceel-gaabta ilaa wadada aada Afisyooni ayaa halkaas waxaa uu xariga uga jaray wadadaas oo dib Gaadiidka u isticmaali doonaa, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dayactir iyo olole nadaafadeed.

Boqolaal ruux oo ka kala socday Xaafadaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari oo ka qeyb galay munaasabada ayaa u badnaa Haween xirnaa dharka hidiyo dhaqanka, iyo calanka Soomaaliya, kuwaasoo sitay caleemo qoyan.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa si aan horay loo arag u soo dhex galay shacabka, isagoo mid mid u gacan qaadayay, caruur da'yar iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabada, waxaana uu u mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

"Waxaa maanta farxad ii ah inaan halkaan imaado, anigoo ka faa'ideysanaya fursadn waxaan u mahad celinayaa Gudoomiye Tarzan oo muujiyay howl karnimo, wadaniyad, wuxuu sameeyay howl aan xisaab laheyn, howshan xoogeeda asigaa is ka leh, sida ammaanka iyo nadaafada wax uga qabtay, idinka ayaana qeyb ka qaatay, sida haweenka iyo bulshadiina"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay inay dib u soo laaban doonaan adeegyadii bulshada, isagoo balan qaaday in la furi doono wadooyinka, in la soo celin doonaan Iskuuladii waxbarashada.

"Jid walba waa fureynaa, adeegyadii ayaa soo celineynaa, Iskuulada waa la firayaa, nalalkii waa la daarayaa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari kaalintii ay ka qaateen dhanka adeega bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu soo dhex galay shacabka, isagoo sheegay in shacabka ay muujinayaan sida ay u rabaan inay u helaan Dowladnimo, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay.

Dad badan ayaa u arka in Farmaajo uu yahay Ra'iisul Wasaarihii ugu fiicnaa ee soo mara dalka, marka laga soo bilaabo Xukuumadihii soo maray kadib bur burkii dalka, tan iyo markii uu qabtay Xafiiska uu sameeyay horumaro la taaban karo oo dhinacyada ammaanka, siyaasada, waxaana tani ay noqneysaa tii u horeysay ee uu shacabka ugu muujiyay kalsooni iyo in Xukuumadiisa ka go'an tahay inay horay u socoto.

Daawo Sawirada Ra'iisul Wasaaraha oo shacabka dhex galay
















No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...