Tuesday 14 June 2011

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo cod dheer ku sheegay in aanu xilka iska casileyn (Faah faahin+Sawiro+Dhageyso)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir jaraa'id oo uu uga hadlay dhinacyo badan waxaa uu si cad ku sheegay in aanu ka tageyn Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, isagoo soo dhoweeyay banaan baxyadii shacabka Soomaaliyed gudaha iyo dibada ku muujiyeen dareenkooda.

Shirka jaraa'id ee Ra'iisul wasaaraha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa uu sheegay in banaan baxyadii maalmahan dhacay inay ahaayeen kuwo shacabka ay dareenkooda midniko ka muujiyeen.

"Waxaan shacabka ugu mahadcelinayaa sida beryahan dambe iskood ay ugu soo baxeen banaan baxyadii beryahan socday ay ku muujinayeen dareenkooda midnimo, dareenkooda ay ka qabaan xukuumada aan aniga madaxda u ahay, aad iyo aad ayaa ugu mahad celinayaan taageerada ay muujiyeen, oo ah mid wadaniyadnimo, mid ka fog daneysi, waxay aheyd mid aduunka oo dhan ay kicisay, oo cid walba ay u arkeen in soomaaliya ay tahay mid qura, maslaxadooda iyo danahooda ay ka mideysnaan karaan, ilaah ayaa mahad leh inay dareenkooda muujiyeen, waxaase leeyahay, in ay shacuurtooda muujiyaan xaq bey u leeyihiin waa inuu noqdo mid nabad ah, laakiin aysan waxba dhibaato geysan bur bur aysan u abuurin, waxaan tacsi u dirayaa labadii qof ku geeriyoodayt Hotelka Madiina, gaar ahaan eheladooda ayaa tacsi u dirayaa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyed.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mudaaharaadka iyo shucuurta ay dadka muujinayaan uu ahaa mid nabad ah, isagoo sheegay in banaan baxyadii ka dhacay Muqdisho, ilaa dalka dibadiisa ay ahaayee kacdoon shacab.

"Mudaaharaadku dadka markey muujiyaan shucuurtooda waa loo baahan yahay waa inuu ahaado mid nabad ah, wuxuu ka dhacay Xamar kaliya ma ahan aduunka oo dhan meel kasta ayuu ka dhacay Nairobi, Koofur Ameerika iyo Yurub, waxay aheyd mid si kacdoon ah ay u muujinayaan dareenkooda cid u dirsatay ma jirto, iyagaa is tusay inay tahay mas'uuliyad ka saaran inay taageeraan Xukuumada waana ku mhaadsan yihiin"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa ka hadlay heshiiskii Kampala, isagoo sheegay in qodobada heshiiskaas uu ka mid ahaa inuu is casilo, laakiin waxaa uu tilmaamay in markii uu dalka yimaaday uu Golaha Wasiirada la tashaday, isla markaana ay isku raaceen in Baarlamaanka la horgeyo

"Markii aan soo noqonay marxalada magaalada Muqdisho iyo dareenka dadweynaha waa bedelnaa, dadka shucuurtooda iyo rabitaankooda mid aan la qiyaasi karin oo aan xisaab laheyn ayuu ahaa, markaas kadib waxaa ii soo baxday anigoo dhageysanaya shacabka Umada Soomaaliyed, Golaha wasiirada si guud waxay ugu codeeyeen in heshiiskii Kampala aan u gudbino Baarlamaanka, mar hadii heshiis la soo galo waxaa lagu qasban yahay in Axdiga KMG noo sheegayo ama Dastuurkii Lixdankii in la marsiiyo Golaha Baarlamaanka, taas waxay aheyd mas'uuliyad ay qaateen Golaha Wasiirada"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo muujinayay in booska uu ku fadhiyo uu yahay mid shacabka uu u haayo.

"Heshiiskaas waxaa ku jirtay tobanka qodob, is casilaada Ra'iisul wasaaraha, xaqiiqdii markaan arkay dareenka shacabka soomaaliyed guud ahaan meel walba ay joogaan iyo midnimada ay muujiyeen iyo qaranimada ay tuseen caalamka, inaan dhageysto inaan raaco in xukuumada aan aniga madaxda ka ahay, ay ka qaadi karto Baarlamaanka, waxaan go'aan ku qaatay kalsooni ka qaadista ama siinta in Baarlamaanka ay u taalo, balse aan eego rabitaanbka shacabka Soomaaliyed, iyagaa u hayaa meesha iyagaa is ka leh go'aanka ugu dambeeya iyo golaha baarlamaanka"ayuu si cad carabka ugu balaariyay Ra'iisul Wasaaraha, isagoo sheegay in rabitaanka shaqsiga ay tahay mid meeshiisa, balse xilalka la haayo uu yahay mid shacabka loo haayo, oo aanay cidna isku dhejin karin.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadii baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdaan uu si sharaf ah uu isku casili doono, hase ahaatee uu inta ka horeyso uu eegi doono rabitaanka umada Soomaaliyed iyo shucuurtii ay muujiyeen, isagoo cadeeyay inuu sii shaqeynayo ilaa Baarlamaanka uu go'aan ka gaarayo.

"Golaha wasiirada iyo aniga waxaa balan ku qaadnay inaan dadka iyo dalka u shaqeyno, lixdii bilood ilaahey waa nagu guuleeyay, inaan qabano wax nagula taageero, taasaa keentay in kalsooni nala siiyo meel kasta Soomaali joogaan, Golaha wasiirada go'aankan waa isla gaarnay waan wada qaadanay"ayuu yiri Mr Farmaajo oo intaa ku daray in qofka mas'uulka uu tanaasul la imaan karo hadii is qab qabsi jiraan.

Mar la weydiiyay Ra'iisul Wasaaraha su'aal aheyd hadal ka soo yeeray Madaxweynaha oo ahaa in banaan baxyada ay shaqsiyaad ka dambeeyaan ayuu taas waxaa uu uga jawaabay "Runtii dibad baxa wuxuu ahaa mid dadka ka yimid, taas waa la og yahay, maxaa yeelay anagu ma imaan markii uu socday, waxaan joognay Kampala, shucuurta iyo gobonimada ayay muujiyeen shacabka Soomaaliya 20-sano ayay dhibtooneysay, xaaladihii la soo maray waxay dhaxal siisay in aan loo eegin qabiil, shaqsi gaar ah iyo nin jecleysi"ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlayay dareenka dadka in aanu aheyn kuwo la soo abaabulay, waxaana uu soo qaatay banaan baxyadii ka dhacay xeryaha qaxootiga iyo dalalka kale oo dadka ay rabitaankooda ku muujiyeen.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu si KMG ah u hayo xilka Wasiirka Amniga qaranka, isagoo tilmaamay in Hey'adaha Ammaanka ay hoos tagaan, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada uu farayo in ammaanka ay adkeeyaan, isagoo cadeeyay in muhiimadooda ugu horeysay ay aheyd daryeelka Ciidamada.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay dilkii Ciidamada Dowladda KMG ay dileen Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Geeska Afrika Fazul, taasoo buu yiri inay ku timid diyaar garowgii iyo dadaalkii ay gelisay Xukuumada, isagoo cadeeyay inay hada soo laabatay sumcadii ay lahaayeen Ciidamada qalabka sida dilkii ay dileen Fazul.

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ka soo yeeray ayaa waji kale u furaya xaalada siyaasadeed ee dalka, iyadoo markan ay muuqato in Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha oo awal lagu tirinayo inay aad isugu dhowaayeen uu hada mugdi siyaasadeed soo kala dhex galay, taasoo xaalka ka dhigi karta mid qir iyo qir ah.

Riix halkan si aad u dhageysato shiirki jaraid ee farmaajo





No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...