Sunday 26 June 2011

Puntland Oo Sheegtay Inaysan Ciidamadeeda Ka Tirsaneyn Meydka Laba Ruux Oo Laga Helay Tuulada Yalho


Gaalkacyo (RBC Radio):- Saraakiisha sar sare ee ciidamada Booliska Puntland ayaa beeniyay wararka sheegaya in tuulada Yalho la soo dhigay meydka laba ruux oo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland.
Taliye xigeenka ciidamada Booliska Dowladda Puntland G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Boosaaso ayaa sheegay in meydka labada ruux ee la soo dhigay Tuulada Yalho aysan ka mid ahayn ciidamada Puntland isla markaana ay tuhunsan yihiin in ay ka tirsanaayeen kooxda Maxamed Siciid Atam.
G/sare Jaqanaf waxaa uu shaaca ka qaadey in ay garteen heybta raggani la bireeyay ee la soo dhigay buundada tuulada Yalho ee gobolka Bari, wuxuuna intaa ku daray in mid ka mid ah ragga meydkooda la helay uu horey uga tirsanaa kooxda Maxamed Siciid Atam islamarkaana Boolisku hadda ka hor mar ay qabteen kadibna la sii daayey, halka mid ka kalena la garanayo.
Taliye xigeenka Booliska Puntland waxaa uu cadeeyay in labada ruux ee meydka ah ay ahaayeen rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Atam in muddo ahna u xirnaa oo maxaabiis ahaa, wuxuuna intaa ku daray in ay dileen kooxda Atam oo iyagu keenay tuulada Yalho ee gobolka Bari.
Dhinaca kale Ibraahim Maxamed Faarax oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaadey in xilli dambe la soo dhigay meydka labadaasi ruux buundada tuulada Yalho, wuxuuna sheegay in ay soo dhigeen rag ka yimid dhinaca Galgala, wuxuuna sidoo kale qeexay in ciidamadu raaceen raadka dadkii meydkaasi soo dhigay wadada, isla markaana in cabaar ah markii raadka la raacay uu galay dhiinaca buuraleyda Galgala sida uu Sarkaalkaasi cadeeyay.
Ibraahim wuxuu hadalka ku waafaqay Taliye xigeenka Booliska Puntland wuxuuna sheegay in ragga meydkooda la soo dhigay tuulada Yalho in ay san ka tirsaneyn ciidamada Puntland Daraawiish iyo Boolis intaba, hase ahaatee loo soo geliyay lebiskii ciidanka kadib markii la soo bireeyay sida uu hadalka u dhigay Sarkaal sare Ibraahim Maxamed Faarax.
RBC Radio.

4 comments:

Anonymous said...

Excellent way of telling, and good post to take information regarding my
presentation topic, which i am going to deliver in institution of higher education.


Also visit my web site jocuri online ferma

Anonymous said...

Great web site. Plenty of useful info here. I'm sending it to a few friends ans also sharing in delicious. And of course, thank you on your sweat!

My website :: bancuri cu crete

Anonymous said...

Hello! Do you know if they make any plugins to safeguard against
hackers? I'm kinda paranoid about losing everything I've worked hard on.
Any tips?

Here is my blog post - Juegos Online

Anonymous said...

Yesterday, while I was at work, my cousin stole my apple ipad and tested to see if it can survive a
twenty five foot drop, just so she can be a youtube sensation.
My apple ipad is now destroyed and she has 83 views. I
know this is entirely off topic but I had to share it with someone!


Here is my website - jocuri cu masini

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...