Sunday 5 June 2011

Meeqaa Naga Dhimatay Bishii May ee Dhamaatay (Warbixin)

Muqdisho (RBC Radio) Marka la eego wadanka Soomaaliya todobaadkaan waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 140 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 265 ruux.
Arrintaan ayaa waxaa la gu ogaaday tirokoobka todobaadalahaa oo uu RBC Radio ka samayso todobaad walba dhamaanba gobolada wadanka Soomaaliya.
Tirakoobka khasaaraha ayaa bishii dhamaatay sidan ahaa:-
Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ahayd May,1. Iska hor imaad ayaa degmada Dherkenlay waxa uu ku dhexmaray ciidamada dowlada.
3 ruux ayaa ku geeriyootay 4 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.
Maalinimadii Isniinta . oo ay taariiqdu ku aadaneed May,2, dagaal ayaa waxa uu ka dhacay gobalka Gado gaar ahaan degmada Garbaharay waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 20 ruux oo kale.
Maalinimadii Talaadada . oo ay taariiqdu ku aadaneed May,3, Qarax ayaa waxaa lagu eegtay isgoyska Ex Conrtorol ciidamada dowlada.
Ilaa iyo 2 Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi
Maalinimadii Arbacada oo ay taariiqdu ahayd , May,4, Xaradakada Al-Shabaab ayaa waxa ay magaalada Baydhabo ku toogteen labo nin oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin ahaayeen
Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ahayd May,8. Iska hor imaad ayaa degmada Dherkenlay waxa uu ku dhexmaray ciidamada dowlada.
2 ruux ayaa ku geeriyootay 4 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.
Maalinimadii Talaadada . oo ay taariiqdu ku aadaneed May,10, Qarax ayaa waxaa lagula eegtay degmada Dharkenlay Gudoomiyaha degmada Dherkenlay Macalin cabdule.
Ilaa iyo 1 ayaa ku geeriyooday qaraxaasi halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale waxaana ka badbaaday gudoomiyaha degmada Dharkenlay.

Maalinimadii Arbacada
oo ay taariiqdu ahayd , May11,Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka galgala ee gobalka bari.
Dagaalkaasi waxaa ku geeriyooday 18 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Isla Arbacada kooxo hubaysan ayaa waxa ay ku dileen magaalada Gaalkacyo nin la sheegay in uu ahaa macalin dugsi Qu’aan.
Maalinimadii Khamiista oo ay taariiqdu ahayd , May12, Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaalkaasi waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 ruux oo kale.
isla Maalinimadii Khamiista Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay gobalka galgaduud kaasi oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ahlu Suna.
waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday 5 ruux ku dhowaad 7 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.
isla Maalinimadii Khamiista iska hor imaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Cadaao ee gobalka Galgaduud kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka iyo Maliishiyaad Hubaysan.
Ilaa iyo 5 Ruux ayaa ku geeriyootay Iska hor imaadkaasi tiro kalana way ku dhaawacmeen.
Arrintaan ayaa waxaa lagu ogaaday tirokoobka todobaadalaha ee RBC Radio ka sameeyo todobaad walba dhamaanba gobolada iyo degmooyinka wadanka Soomaaliya.
Maalinimadii Sabtiga ee 14 May: Dagaalo ayaa waxay ka dhaceen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 5 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Isla Maalinimadii Sabtiga ee 14 May: Meydka 2 ruux oo rayid ah ayaa lagu arkay agagaarka Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley. Dilkaasi oo la sheegay inay geysteen ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan degmadaasi.
Maalinimadii Isniinta 16 May: Waxaa la duqeeyay Mowlaca Macalin Nuur oo ay dagan yihiin Ciidamada Ahlu Suna waxaa duqayntaasi ku geeriyooday ilaa iyo 6 Askari halka ay ku dhaawacmeen 17 ruux oo kale.
Habeenimadii Isniinta 16 May: Waxaa gudaha magaalada Boosaaso lagu dilay 2 ruux ka dib markii sida la sheegay dabley beeleed ay toogteen nin nabadoon ah oo lagu magacaabi jirey C/kariin Bulxan kadibna rag kale oo hubeysan ay qaab aargud ah u toogteen nin kale.
Maalinimadii Talaadada ee 17 May: Magaalada Laascaanood ayaa koox hubaysan waxa ay ku dileen Nin ganacsade ahaa iyo ku simihii gudoomiyaha gobalka Sool.
Isla Talaadadii 17 May: 1 ruux oo haweeney ah ayaa ku dhimatay rasaas wiifto ah oo ku dhacay xaafada Baar ubax ee magaalada Muqdisho. Illaa 8 ruux oo kalana waxay ku dhaawacmeen rasaas iyo madaafiic siyaabo kala duwan ugu dhacday gudaha suuqa Bakaaraha.
Maalinimadii Arbacada ee 18 May: Dagaalo iyo duqeymo ayaa waxay ka dhaceen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo uu ku jiro suuqa Bakaaraha. Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 15 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 80 ruux oo kale.
Maalinimadii Khamiista ee 19 May: Shil gaari ayaa kadhacay wadada isku xirta KM-4 iyo Garoonka diyaaradaha, gaar ahaan meel u dhow iridka hore ee Garoonka. Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday shilkaasi 1 ruux oo ah rayid baabuur rakaab saarnaa halka uu ku dhaawacmay ruux kale.
Maalinimada Jimcaha ee 20 May: Meydka 2 ruux oo dhalinyaro ah ayaa lagu arkay xaafada Jiiro Miskiin ee degmada Dharkenley. Goob joogayaal ayaa RBC Radio u sheegay in dadkaasi habeenkii lagu dilay goobta.
Isla Maalinimada Jimcaha ee 20 May: Madaafiic barqanimadii ku soo dhacday xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ayaa sababtay geerida 3 ruux iyo dhaawac 6 kale. Dadkaasi qaarkood ayaa ku sugnaa goob ceel biyood ah oo ku yaalla Buulo Xuubeey.
Maalinimadii Jimcaha ee 20 ay: Duqayn xoogan oo lagu garaacay degmada Wadajir ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 ruux oo kale.
Maalinimadii Sabtiga ee 21 May: Qarax xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ex Control ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 2 ruux
Maalinimadii Axada ee 22 May: dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 ruux oo kale.
Maalinimadii Isniinta 23 May: dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 13 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 40 ruux oo kale
Isla Isniinta 23 May: dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay labi maliishiyo beeleed ayaa waxa ay ka dhaceen gobalka Mudug waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi ilaa iyo 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale
Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Duwayn lagu garaacay degmada Dherkenlay ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 5 ruux
Isla Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Madfac ayaa waxa uu ku dhacay gaari xamuul ah oo taagnaa gudaha suuqa Bakaaraha waxaana halkaasi ku geeriyooday ilaa iyo 1 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 2 ruux oo kale waxaana halkaasi ku gubtay gaarigaasi.
Isla Maalinimadii Arbacada ee 25 May: Duqayn culus aya waxaa lagu garaacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho waxaana duqayntaasi ku geeriyooday ialaa iyo 5 ruux.
Xusuusin: Tirooyinkan waxay isugu jiraan dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamaya ee gudaha Soomaaliya. Waxaana suuragal ah inay jiraan tirooyin kale oo aan la sheegin maadaama RBC Radio uu diiwaangeliyo xogta naga soo gaarta isbitaalada, deegaanka iyo masuuliyiinta dhinacyada intaba.
M/kaafi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...