Sunday 26 June 2011

Madaxweyne Shariif Oo Cafis Ufidiyey Rag Ajaanib Ah Oo Muqdisho Lagu Hayey Iyaga & Laba Diyaaradood


Muqdisho (RBC Radio):- Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyey rag ajaanib ah oo tiro ahaan gaaraya lix ruux kuwaasi oo bishii May ee aynu ka soo gudubnay lagu qabtey gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ajaanibta Madaxweynuhu cafiska u fidiyey ayaa lagu qabtey Garoonka Muqdisho iyagoo wata laba diyaaradood oo ay saarneyd lacag aad u farabadan oo doolarka Mareykanka taasi oo sida la sheegay loo waday in la siiyo kooxo burcadbadeed ah.
Lixda nin ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib cafis ay ka heleen Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ay u duuleen dhinaca magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Raggani Ajaanibta ah ee lagu hayey magaalada Muqdisho ayaa la soo taagey maxkamada gobolka Banaadir waxayna ku riday xukuno u dhaxeeya toban sano ilaa iyo shan iyo toban sano.
Inkastoo wararku sheegayaan in raggaasi lagu sii daayey cafis Madaxweyne haddana waxaa jira warar aan la shaacin oo sheegaya in laga qaadey ajaanibta ganaax lacageed oo dhan $50,000.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...