Monday 20 June 2011

Iscasilaada Farmaajo waxay xoojin doontaa taageerada shacabka iyo jaaliyaddaha dibada ay u hayaan ururka Alshabaab


London, UK
Waxaa cadaatey ion Soomaaliya ay tahay wadan la gumeysto oo gumeysi ugu jira gaalo madow oo Ugaandees taasna waxaa marqaati u ah i madaxda Soomaaliyeed lagu qasbo lagana sameysto wixii la doono taasna waxaa ay xoojin doontaa taageerada shacabka uu siinaayo xooggaga kasoo horjeeda ciidamada Ugaanda ee xooogga ku heysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaan ogeysiinaa beesha caalamka iyo cid walba oo iska indha tirtaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed inay ku hungooobi doonaan , runtii waxaa fiicneed inay beesha caalamka u tanasulaan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed waayo soomaali waxa ay rabto looma diido haddii loo diidana waxaa ka imaato dhib aad u farabadan oo horey ayaa loo arkey.
Waxaan ognahay in Sheekh Shariif iyo cid kale toona aysan wadankaan ka talin awoodna u laheen ee wadankaan uu gumeysi ku jiro awooddana aysan gacanta ugu jirin ummadda Soomaaliyeed ee ay ku jirto gacanta nimanka madoow ee taangiyadda saaran iyo madaxdooda laakiin su’aashu waa ma sidaan ayaa soomaali dan ugu jirtaa.
Waxaa habooneed in meesha caalamka ay tixgaliso aqoonyahanada iyo indheergaradka soomaaliyeed ee shanta qaaradood ka qeylinaayo laakiin waad diideen waxaadna doorateen inaad na tustaan inaan gumeysi ku jirno laakiinse waa la ogaan doonaa cidii reerka u hara ama soomaali ayaa wadanka u hari doonta ama gumeysiga madoow ee taangiyadda wata ayaa u hari doona.
Farmaajo waa tagay laakiin wuxuu banaanka soo dhagay arin dad badan oo soomaali ah ay ka shaki qabeen oo ah in soomaaliya gumeysi ku jirto iyo inuu jiro qorshe ay wataan dalalka gobolka oo ah in soomaaliya lakala googooyo oo gumeysi la galiyo nin caqli lehna aan loo ogolaanin taas ayaana keentey in Farmaajo la ceyriyo waayo Farmaajo wax kale iskuma qabanin ee wuxuu yiri dalkaan anigaa iska leh oo xaq u leh inaan xukumo iyo ma lihid oo dalkaan anaggaa xoog ku heysano oo wiilasheenii ay ku dhimanayaan sidaan anagga doono ayaan yeeleynaa.
Haddaba haddii ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleystey inay iska xoreyso gumeysigii Itoobiya ee xoogga badnaa malaga yaabaa in gumeysi ka tiro yar kana wadan fog uu gumeysi kusii heysan karo dalka iyo dadka Soomaaliyeeed.
Ma idinla tahay shacabkii kumaankunka ahaa ee meel walba ka banaanbaxayay inay sidaas faraha uga laaban doonaan oo ay ogolaan doonaan inay gumeysi ku sii jiraan taas waa maya sidaa darteed maadaama aysan jirin awood kale oo siyaasadeed oo gumeysi diid ah oo ka jirta dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaan shaki ku jirin in taageeradda ururka Alshabaab ay sii labanlaabi doonto bilooyinka soo socda waayo taageerada ugu badan ee ururka Alshabaab waxa ay awalba ku tiirsaneed shacabka gudaha iyo ganacsatada iyo jaaliyaddaha dibadaha sidaas darteed talaabada ay Uganda iyo ciidankeeda ay qaadeen ee ah in Umadda Soomaaliyeed ay uga hiiliso Itoobiya iyo taageerayaasheeda iyo qabqabyaalkii Soomaaliya geeyey meesha ay taalo waxaa ay gashay dabin aad u weyn oo ay adkaan doonto inay kasoo baxdo wax walba oo ay sameyso marka haddaba la arki doonee sida ay uga dabaalato baxarka ay ku jirto.
Ninka iska leh taangi iyo diyaarado shisheeye ayaa dal iyoummad xor lagu gumeysan karaa haku quus qaato Afghanistaan iyo Vietnam oo wax walba oo la keenay la gumeysan waayey ilaa gumeystayaashii ay maalin cad iskaga huleeleen wadamadaas.
Farmaajo wuxuu noqdey xujo Ilaahay usoo direy ummadda Soomaaliyeed si uu banaanka usoo dhigo gumeysiga dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu gacanta ugu jiro Soomaali maantey waa gumeyste raac raba inuu dalka iyo dadka kala qaybiyo oo caada qaata ah iyo gumeysi diid raba inuu ka gilshisho bahdilka lagu sameynaayo ummadda Soomaaliyeed.
Soomaaliya waa meesha kaliya adduunka ee aan la ogoleen mucaarad aan hubeysneen taasna waxaa daliil u ah in Farmaajo lagu sanduleeyey oo lagu handadey dalkii iyo dadkii uu ka dhashay taasna waa meel aan anagga soomaali ahaan is dhigney in maantey askari ugaandees uu ku handado wiil soomaaliyeed dalkiisa iyo dadkiisa.
Ugu danbeys waxaan leeyahay ishii bugtoo ku bikaacso ma waxa ay idinla tahay in Sheekh Shariif la rabo oo uu sanad kadib sii joogaayo meesha wallee ninkii taas ku riyoonaayoow laf cad ayaad toobin ku heysaa ee dalkaan waxaa u yaal qorshe loo dajiyey oo ah in la kala qaybqaybiyo iyadoo la adeegsanaayo dad dusha Soomaali ka ah laakiin uurka ugu shaqeynaayo gumeysiga haddaba maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed?
Dad badan oo kamid ah banaanbaxayaasha jaaliyadda dibadda ayaa soo jeediyey aan sameyno awood kale oo hubeysan oo la dagaalanta ciidammada ugaandeeska ilaa ay dalka ka baxaan maadaama ururka Alshabaab uusan ajande siyaasadeed oo uu dalka iyo dadka la damacsan yahay marka laga saaro dalka Ugaandees aysan soo bandhigin wali , qaarna waxa ay aamimsan yihiin in la taageero Alshabaab madaama aysan jirin awood sadaxaad o oka turjumeysa rabitaanka shacabka oo hadda muuqata.
Haddaba qof walba oo soomaali ahow samee sida kula gudboon ee aad isleedahay dalkaaga waa ku xoreysan kartaa Alshabaab raaci laheedaa iyo awood kale oo hubeysan taageeri laheedaa adiga ayay ku jirtaa laakiin hal waan isku wada waafaqsan oo maantey qof soomaali ah oo muran danbe iyo dood ka qabo ma jirto taas oo ah Dalkeenii gumeysi ayuu ku jiraa oo waa la heystaa gacanteenana kuma jiro marka qofba waxa kula gudboon samee sidii aad dalkaaga ku xoreyn laheed.
Walaalasha Alshabaab waxaan kula talin lahaa inay fursadaan dahabiga ay ka faa’iideystaan oo ummaddaan dareenkeeda kacsan yahay ee guryaha ciilka iyo carada ay Uganda iyo Mahiiga u qabaan la fadhiya inay kasbadaan oo siyaasadooda ay wax ka badalaan muujiyaana inay leeyihiin awood iyo karti siyaasadeed oo aad dalka kaga saari kartaan gumeysiga iyo ajandihiin gumeysiga kadib. Ummadda soomaaliyeed waxaa ay soo mareen dhibaatooyin badan oo dhaxalsiiyey in maantey dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed uu gumeysi gacanto u galo haddaba maxaa badiil ah oo aad u heysaan oo aan ka aheen hala dagaalamo gumeysigana dalka halaga saaro maxaa damaanad qaadaya in dalka uusan galeen dhib ka badan midka uu ku jiro haddaba walaalayaal wixii dhintey waa dhinteen waxaad ogtihiin in midowga maxkamadaha kadib ay dhinteen dad badan oo ummadda soomaaliyeed qiimo ugu fadhiya o qaarkood ay xabad ku dhinteen qaarkoo diyaarado mareykan ay garaaceen haddaba maxaad ku kasban kartiin ummada Soomaaliyeed dhamaanteed ama inteeda badan.

Walaalayaal waxaa muhiim inaan dhamaanteen Allaah ka baqno una noqono kitaabka iyo sunaha iyo fahamka asxaabta iyo taabiciyiinta iyo ixtiraamka iyo maqalka culimadda .
Aniga waxaan idiin soo jeedin lahaa inaad gacana qoriga ku heysataan oo dagaalantaan gacana aad isku daydaan inaad wada hadal la furtaan u adeegayaasha gumeysiga si aad ummadda soomaaliyeed ugu muujisaan inaad ka naxaysaan dhimashadooda iyo dhaawacooda iyo barakacooda sidaa darteedna aad cadowgiina la galeysaan wada hadal hadii laga gaaraayo natiijo gumeysigu uu uga bixi karo dalka iyo dadka.
Dad baa waxa ay is leeyihiin Alshabaab waxa ay isleeyihiin adduunka la idinkaba rabo ee dagaal iska wada ilaa aad ka baaba’aysaan ama aad adduunka ka wada qabsanaysaan, aniga waxa ay ila tahay inaad heystiin fursad dahabi oo aad Soomaaliya ugu dhigi kartaan wadan islaam ku dhaqma 100% isla markaana aad gumeysiga uga saari kartaan dalka iyo dadka. Hadabba ka faaiideystaa fursadan oo isku daya inaad kasbataan qalbiyadda shacabka Soomaaliyeed taasna ma aha inaan idin leeyahay Ilaahay caro galiya oo shacabka raali galiya ee wax Ilaahay aad ugu dhawaaneysiin shacabkana aad ugu daneyneysaan sameeyaa.
Walaalayaal ogolaada wadahadalo haddii taas ay keeneyso in gumeysiga wadanka uu uga baxaayo waxaadna wadahadalo la gali kartaan ciidammada gumeysiga iyo shaqaalahooda waxaadna kula hadli kartaan wadamo aad is leedihiin waa dhexdhexaad sida Qatar, Suudaan iyo Sucuudi Caraabiya wadahadaladdana waxaad usoo direysaan shaqsiyaad aad is leedihiin sidaas muhiim uma ah oo arimihiina difaaca iyo sirtiina ciidanba aan wax badan ka ogeen si cadowgu haduu idin qiyaameeyo oo uu ergadaas afduubto uusan uga helin wax sir ciidan oo muhiim ah haddaba walaalayaal ka faaiideysta fursadaan ogaadana fikradda dhaheyso haddii aad cadowgiina la gashaana wadahadalo wuxuu qaadanayaa inaad jilicsan tihiin waa fikrad qaldan waayo cadowgiina wuu ogyahay inaad adag tihiin isla markaana aan la idiin loodin karin si fudud laakiin adinka xooga saara kasbashada shacabkaan jilbeysan ee ciilka iyo carada la buuxo waayo waa maanta oo kale maalinta la kasbado.
Walaalayaal difaacyadiina adkeeya umaddiinana kaalmeeysta laakiin arintaas wada hadalka iyo xabad joojinta ka fikira waayo wadanka inta badan ayaad heysatiin waxaana la rabaa inta kale in lakala googooyo oo laga dhigo dowladdo yar yar oo aan awood laheen cid joojin karta oo aan idinka aheena ma jirto maantey marka isku daya gacana inaad qoriga ku heysatiin gacana aad wadahadal sidii wadanka gumeysiga looga saari lahaa aad la gashiin qolooyinka idinka soo horjeed idinka oo ogolanaayo dhexdhexadinta culumadda iyo wadamada muslimiinta waa haddii taas ay keeneyso in wadanka uu gumeysiga ka baxo dalka dadkuna a yxor u noqdaan inay doortaan hogaamiyaal muslimiin ah oo ku dhaqa diinta islaamka.
Waxaan hubaa hadaad taladaas qaadatiin inaad labbalaabi doontiin taageerada ay idiin heyso ummada Soomaaliyeeed guddo iyo dibadba.
Waxaan leeyahay gumeysigu ku guuleysan maayo inuu qeybiyo ummadda Soomaaliyeed wadankeedana uu gobol gobol u qeybiyo oo uuna ka dhigo tuulooyin maamulgoboleedyo ku sheeg ah oo barasaabyo itoobiyaan iyo ugaandees ay xukumaan.
Ilaahay idinkii wuu fashil doonaa qorshaha gumeysiga iyo gumeysta raacyada waxaana dalka u hari doona kuwa daacada ka ah danta dalka iyo dadka Soomaaliyeeed.
Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynaa tixo gabay ah oo ka mid ahaa gabaygii dardaaran ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo kuu yiri:-
” Marka hore dabkii idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xiga dalkii idinku dhihi duunya dhaafsade’e
Marka xiga dushii idinka rari sida dameeraha
War maxaad iga digataan beruu siin la soo dagiye.”
Waxaa qoray Maxamed Aadan Xasan(Maxamed Soomaali)
Email: mohamedsomali@hotmail.co.uk

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...