Monday 20 June 2011

HADALHEYNTA QARANKA: Maxaa Lagu Xusuusan Doonaa Maxamed C/laahi Farmaajo?

Muqdisho (RBC) Maxamed C/laahi Maxamed [Farmaajo] waa muwaadin Soomaaliyeed, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962. Farmaajo wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe ku qaatay Soomaaliya.
Waxaana ka hor intii uusan dibada aadin ka shaqeeyey wasaaradii arimaha dibada ee Soomaaligii xilligii dawladii militariga.
Haddaba waa tan warbixin ku saabsan taariikhdiisa iyo waxqabadkii dawladiisa.
Taariikhdiisa
Markii uu dibada tegey, gaar ahaan wadanka Mareykanka, waxa uu bilaabay waxbarashadiisii jaamacadeed. Intii u dhexeysay 1989 ilaa1993 ayuu qaatay shahaada Bachelor-ka ee culuumta Taariikhda.
Sanadkii 2009 ayuu hadna qaatay shahaadada Master-ka isagoo kudiyaariyey Culuumta siyaasada.
Farmaajo wuxuu heystaa dhalashooyinka Soomaliya iyo Mareykan. Wuxuuna leeyahay 4 crruur ah oo 2 wiilal yihiin. Siyaasada Intii u dhexeysay 1985 illaa 1988 wuxuu ka shaqeynayey safaardiiSoomaaliya ee Washington isagoo ahaa xoghayaha koowaad ee safaarada.Hase yeeshee sida la sheego shaqadaasi wuu isaga tegey Farmaajo wuxuuna sii watay waxbarashdiisa.
Xilka raysal Wasaaranimo
14-kii October 2010, ayaa Maxamed C/laahi Farmaajo si rasmi ah loogu magacaabay xilka raysul wasaaranimo ee Soomaaliya ka dib markii uu iscasilay raysul wasaarihii ka horeeyey Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xilkuna si KMG uu u sii hayey C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo hore u ahaa Raysul wasaare ku xigeen.
Magacaabistii Farmaajo waxay timid baadigoob dheer oo Madaxweyne Sheekh Shariif uu u galay soo helida shakhsiga noqonaya raysul wasaaraha. Haseyeeshee qaar badan oo ka badan barlamaanka iyo hogaanka barlamaanka maaysn soo dhoweyn magcaabista Farmaajo. Waxayna markiiba bilabeendagaal ka dhan ah raysul wasaaraha cusub. Waxaa taasi ku xigtay inay adkaatay ansixintii raysul wasaare Farmaajooo lag sugayey dhismaha xukuumdiisii ugu horeysay, gaar ahaan markiiuu afhayeenka barlamaanka Shaariif Xasan uu si cad u sheegay in aanlagala tashan raysul wasaaraha cusub.
Waxaana isjiidjiid iyo ismarilabada Shariif dhexmaray ka dib ugu dambeyntii 31 october lagu guuleystay in uu raysul wasaare Farmajo helo codka kalsoonida isagoo heley 297 (waxaana malintaasi hoolka fadhiday 392 mudane).
1-dii November 2010 ayaa rysul wasaare Farmaajo loo dhariyey xilkaxafiiskiisa, wuxuuna isaguna bilaabay sidii uu u soo xuli lahaa golahawsiirada ee xukuumadiisa oo ahayd hawsha ugu horeysa ee laga filayey.
12-kii November 2010 ayaa Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqaygolihiisii wsiirada ee ugu horeeyey oo ka kooban 18 wasardood iyo kuxigeeno. Xukuumadasi oo marka laga reebo 2 wasiir inta kake ayahaayeen dhamaantood shakhsiyad cusub una badan qurbe jogdiblomasiyiin iyo siyaasiyiinba leh. Hase yeeshee waxaa markle dib u dhac iyo isqabqabsi uu ka dhexabuurmay madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha barlamaanka oo markalecaqabad ku noqday ansixinta xukuumada cusub. Waxaana sida dad badanay qabeen Shariif Xasan uu ka careysnaa ka dib markii uu waayey rag uuisagu watay oo uu rabay in golaha loogu soo daro balse laga tegey.
Waxaana ugu dambeyntii wixii labada Shariif ay isla daala-dhacaan ooay isjiidjiidaan lagu guuleystay in xukuumadii iyana laga marsiiyobarlamaanka, waxaana ogolaatay 251 mudane (halka maalintaasi ayfdhiyeen 343) taasoo muujineysa sida sigashada ah ee ay xukuumadu ku guuleysatay.
Waxqabadkii xukuumadiisa
Farmaajo Masuulkii ugu horeeyey oo shacabka dhexgala
Raysul wasaare Farmaajo iyo xukuumadiisuba waxay markii ay codka kalsoonida heleen ay gudagaleen hawshoodii. Waxaan xukuumadu ku dhawaqday qorshe hawleed ku saleysan ‘100 maalmood’. Kaasoo 50-kii maalin ee ugu horeeyey ay xukuumda ku wajahday dhaqaalaha gudaha, toosinta maamulka dawladeeda iyo amniga oo intuba ahaa halka dawladu ka jiiftaySii Akhri

4 comments:

Anonymous said...

Do you have a spam issue on this site; I also am
a blogger, and I was wanting to know your situation; we have developed some nice procedures and we are
looking to exchange solutions with others, why
not shoot me an e-mail if interested.

Also visit my weblog :: Juegos Gratis

Anonymous said...

I do accept as true with all the concepts you have presented in your post.
They are really convincing and can definitely
work. Still, the posts are very brief for starters.
May you please prolong them a little from subsequent
time? Thank you for the post.

Have a look at my homepage Juegos Gratis

Anonymous said...

Hi there! This post could not be written any better!
Looking through this post reminds me of my previous roommate!
He always kept preaching about this. I will forward this article to him.
Fairly certain he will have a very good read. I appreciate you for sharing!



Here is my homepage - jocuri pentru copii mario

Anonymous said...

No matter if some one searches for his essential thing, so he/she wishes to be
available that in detail, so that thing is maintained over here.


Look at my homepage :: joaca jocuri online

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...