Tuesday 14 June 2011

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka digay banaan baxyada Muqdisho, sheegeyna in qatar ka soo socoto

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tazan ayaa ka digay banaan baxyada Muqdisho, isagoo sheegay inay yihiin kuwo dano iyo ujeedo badan laga leeyahay, kaasoo uu tilmaamay in lagu abaabulayo qalalaaso iyo fowdo.

Tarzan ayaa sheegay inay jiraan dad abaabulaya banaan baxyada, isla markaana xafiiskooda iska fadhiya, kuwaasoo uu xusay inay u adeegsanayaan caruur iyo arday, si buu yiri naftooda loo haligo.

"Dad baa abaabulaya oo ujeedo badan leh, xafiisyadooda fadhiyaan, hadii ay horseedayaan in ilmaha iyo ardayda naftooda haligaan ayaga haka qeyb qaateen"ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in feejignaan la sameeyo lagana digtoonaado banaan baxyda.

Gudoomiye Tarzan ayaa sheegay inay heleen qorshayaal laga damacsan yahay banaan baxyda in lagu maleego qaraxyo iyo falal lagu dhibaateyn karo shacabka, si buu yiri loogu soo dhex dhuunto banaan baxyada.

"Waxaan leeyahay Ilmaha waalidiintooda haka ilaaliyaan qatarta, kuwa laga keenayo Ceelasha, waxaa na soo gaartay in Macalimiinta ay fasaxeen Ardayda Iskuulaadka, waxaa ka digeynaa in banaan baxyada lagu soo dhex dhuunto, in dadka sidaas u fahmo in naftooda tahluuko la gelin"ayuu yiri Gudoomiye Tarzan
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay diyaariyeen qorshayaal ah in Gawaari ay ku soo qoreen Shirkadaha magacooda, iyo kuwo uu sheegay in loo ekeysiiyay baabuurta banaan baxyada ee Codbaahiyeyaasha ku rakiban, si buu yiri qaraxyo looga fuliyo.

"Waxaa heleynaa in Baabuurta shirkadaha kuwo loo ekeysiiyay, waxaa jirta in xataa baabuurta sameecadaha iyo codbaahiyeyaasha ku rakiban yihiin in la diyaariyay, taayada la gubayo waxaa jirta kuwo miinooyin laga soo buuxiyay, si inta banaan baxa socda oo mas'uuliyiinta wadooyinka maraya loogu qarxiyo"ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Madaxweyne Shariif ayaa maalin ka hor ka digay banaan baxyada, isagoo sheegay inay wadaan kuwo dano ka leh oo maro isku qarxinaya, isagoo cadeeyay in tan iyo markii banaan baxyada bilowdeen ay dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray Dekeda iyo qaraxii kale ee lagu dilay Wasiirkii Amniga qaranka.

Hadalada ka soo yeeraya Mas'uuliyiinta Dowladda ayaa imaaneysa xilli banaan baxyo rabshado watay ay dhowaan ka dhaceen Magaalada Muqdisho, kaasoo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...