Sunday 19 June 2011

Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya: Go’aanadii Kampala dan ayaa Keentay (Dhageyso)



 
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu dhamaado khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in laga wanaagsanyahay in uu sii socdo khilaafka waxa uuna tilmaamay in uu rajaynayo in uu iska dhamaado khilaafkaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahanyahay in laga shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed loo bad baadin lahaa oo loogana saari lahaa dhibaatada ay ku jiraan.
Wuxuu sheegay sidoo kale gudoomiyaha in go’aanadii kampala ay dantu kaliftay isla markaana ay go’aanka leeyihiin mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...