Friday 10 June 2011

Fagaaraha Taxriir oo noqotay Taaladii Sayidka iyo Idaacadaha Muqdisho oo booskii Facebook galay (Warbixin)

Kumanaan baxayaal ah ayaa waxay isku xirteen Taaladii Sayidka, Masjikad Isbaheysiga agagaarka Madaxtooyada, Taaladii SYL, Barxadii Iskaashatooyinka iyo Gurigii Hooyooyinka, iyadoo dadkaas oo ah kuwo wajigooda laga dareemayo caro aad u weyn ay ku qeylinayeen halku ku dhigyo ay ku taageerayeen Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Banaan baxayaasha oo u muuqda kuwo geesinimo muujinaya, isla markaana la jaan-qaadaya Banaan baxyadii kacdoonka ahaa ee ruxay qaar ka mid ah dalalka Carbeed ayaa waxay hakiyeen isu socodka wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, halkaasoo dadka ay aad u buux dhaafiyeen.

Fagaarihii Tarxiir ee Magaalada Qaahira oo ahaa halka Banaan baxyada ka curteen ayaa moodaa inuu isu bedelay goobaha dadka ay hada soo buux dhaafiyeen, waxaana halkaas ku sugan dhalinyaro, haween, caruur dad da' ah, iyo culumaa'udiin, waxayna dadka ay taagan yihiin qoraxda.

Banaan baxayaasha oo ah kuwo dareenkooda uu aad u kacsan yahay ayaa u muuqda kuwo aan aqbalin baaqii Ra'iisul Wasaaraha ee uu goor dhow ka jeediyay Radio Muqdisho, kaasoo uu dadka kaga dalbaday inay guryahooda ku laabtaan.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, dadkana wali dareenkooda waa taagan yahay, ilaa iyo hada ma jirto dad la hadlay dibad baxayaasha, hase ahaatee waxaa la sugayaa inay ka hadlaan xubnaha dhaq dhaqaaqa Bulshada oo saaka Idaacadaha ka sii daayay in dadka ay banaan baxaan isuguna soo baxaan.

Idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa si toos u tabinaya banaan baxyada iyo sida ay u socdaan, waana halka ay dadka ka ogaanayaan goobaha banaan baxyada ka socdaan, bedelkii ay banaan baxayadii Carbta ka socday ay Barta FACEBOOK aheyd halka ay kala socdeen banaan baxyada, waxaana la dhihi karaa Raadiyaasha Muqdisho waxay buuxiyeen Bartii FACEBOOK banaan baxyada Carabta ka dhacay u joogtay.

Barta FACEBOOK ayaa aheyd halkii banaan baxayaasha Carbeed ay isugu sheegi jireen banaan baxyada uguna balami jireen, iyadoo bartaas kaalin weyn ka qaadatay kacdoonadii ka dhacay dalalka Tunisia, iyo Masaarida.

Tifafatiraha Jowhar.com C/casiis Golf ayaa sheegaya in xaaladaha socda ay yihiin kuwo dadka ay shucuurtooda si midnimada leh ugu soo bandhigayaan, waana ay adag tahay in banaan baxa ay si fudud u joogsadaan, dadkana waxay geesinimo ka sii qaadayaan sida isku duubnaanta leh ee Min caruur ilaa ciroole Banaan baxyada ugu jiraan.

Wixii ku soo kordha daqiiqad kasta kala soco wararkeena dambe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...