Saturday 25 June 2011

Faahfaahino Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Duqeyntii Duleedka Kismaayo

Nairobi (RBC) Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii duqeynta ahaa ee habeen hore lagu beegsaday deegaanka Qandalla oo qiyaastii 10-KM u jirta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo la sheegayo in saraakiil ajnabi ah ay ku sugnaayeen.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay RBC Radio in goobta la duqeeyey ay ahayd xero ciidan oo Shabaabka ku tababaran jireen ciidamadooda cusub ayna ka hawlgalaan tag u badan ajaaniin, walow aysan cadeyn in ay ajaaniibtaasi wax ku noqdeen weerarka.
Faahfaahinada na soo gaaraya ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarad nooca helicopter-ka ah ay qaaday weerarkaasi, taasoo ugu yaraan labo jeer madaafiic la beegsatay xerada iyo baabuur kolonyo ahayd oo isla socotay.
Ilo aan dooneyn in la magacaabo ayaa sheegaya in kolonyadaasi la weeraray uu ku jirey baabuur uu lahaa ninka labaad ee ugu sareeya ururka Al-Shabaab oo la yiraahdo Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad dadka Soomaaliduna u taqaano (Ibraahim Afghan), Balse magaca ay Shabaabka u yaqaanaan uu yahay Abuu-Bakar A-Saylici.
Ibraahim Afghan wuxuu ka soo jeedaa deegaanada Waqooyi Galbeed ee dalka (Somaliland), waxaana lagu tiriyaa inuu yahay sarkaal sare oo dhanka tababarada khatar ku ah, wuxuuna ka mid ahaa aas aasayaashii ururkii Maxkamadaha iyo Shabaabka.
Ibraahim Afghani waa ninka labaad ee Shabaabka ugu sareeya, wuxuuna ku xigaa Axmed Godane oo magaca uu ku shaqeeyo Shabaabka dhexdiisa uu yahay Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr). Mr. Afghan ayaa ah ninka dhanka ajaaniibta ku xira Shabaabka isla markaana dejiya naqshadaha tababar iyo dagaal ee Shabaabka Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah, Waxaana la sheegaa inuu ku nool yahay deegaanada hawdka ee gobolka Jubbada Hoose.
Ma cadda in Ibraahim Afghan uu ku dhintay duqeyntan habeenimadii Jimcaha lagula beegsaday agagaarka deegaanka Qandalla ee galbeedka Kismaayo. Hase yeeshee waxaa jira dhaawacyo weerarkaasi ka dhashay oo ay ku jiraan rag Shabaabka ka tirsan kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaalka magaalada Kismaayo.
Illaa shalay markii uu warkan ku saabsan weerarka Shabaabka lala beegsaday uu soo baxay ayaa waxay cabsi weyn soo wajahday Shabaabka saraakiisha ugu sareysa ee ku sugan gobolka Jubbooyinka, iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya, waxayna bilaabeen inay baaritaan ka sameeyaan magaalada Kismaayo.
Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya in shalay iyo xalay gudaha magaalada Kismaayo lagu xiray dhalinyaro labaatan ku dhow oo reer Kismaayo ah kuwaasoo Shabaabku sheegeen inay ka shakiyeen. Waxayna arintan cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka.
Waxaa jirta warar kala duwan oo sheegaya in weerarkaasi ay qaadeen diyaarado ka soo duulay dhanka Jabuuti kuwaasoo ay leeyihiin Mareykanka.
Hase yeeshee wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DKMG C/rashiid Xiddig oo isagu ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka kuna sugan Nairobi ayaa warbaahinta qaar u sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen diyaarado ay leeyihiin wadamada deriska la ah Soomaaliya.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...