Saturday 18 June 2011

Ethiopia oo Diiday inay Siideyso Xildhibaan Barre Hiiraale Xilli 13 Sarkaal oo Isaga la Xirnaa Dib ay u Heleen Xoriyadooda


Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo bilihii u dambeeyey xabsi ku hayey Xildhibaan Barre Hiiraale iyo saraakiil kale oo Soomaali ah ay diideen codsi uga yimid DKMG kaasoo looga codsaday in xildhibaanka ay siidaayaan.
Warar xog ogaal ah oo RBC Radio ka soo gaaray degmada Doolow ayaa sheegaya in wasiirka gaashaandhiga DKMG Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Fiqi oo beryahan ku sugnaa gudaha Ethiopia uu waday wada hadalo ku saabsan sidii uu Ethiopia ugu qancin lahaa siideynta masuuliyiinta Soomaalida ee u xiran.
Maalintii shalay ayaa waxaa Ethiopianka ay siidaayeen 13 sarkaal oo Soomaali ah kana tirsanaa ciidamada DKMG kuwaasoo ismaandhaaf dhexmarey iyaga iyo Ethiopian-ka awgeed loo xiray, hase yeeshee sida wararka aanu ku heleyno Xildhibaan Barre Hiiraale weli waxaa uu u xiran yahay Ethiopian-ka.
Xildhibaanka ayaa la xiray mudo ka badan hal bil ka hor waxaana xarigiisa loo tirinayey inuu la xiriiray ka dib markii ay isqabteen saraakiisha Ethiopian-ka oo wax ka hogaaminaysay dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay gobolada Gedo iyo Bakool ee lala galay ururka Al-Shabaab kuwaasoo qaabka hogaanka iyo maamulka gobolka Gedo uu Barre Hiiraale ka hunguri qabay inuu wax ku yeesho.
Ma cadda sababta Ethiopian-ku u diideen siideynta Xildhibaan Barre Hiiraale, waxaase warar hoose ay sheegayaan in wasiirka gaashaandhiga DKMG uu hadda wado waanwaan ku wajahan sidii xildhibaanka loo siideyn lahaa.
Xarigan Barre Hiiraale ayaa waxaa ka horeeyey illaa 2 jeer oo hadda ka hor sidan oo kale Ethiopian-ku u xirteen Xildhibaan Barre oo mar ahaan jirey wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii C/laahi Yuusuf.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...