Tuesday 21 June 2011

Dowladda Mareykanka ayaa la ogaaday in Mas'uul ka aheyd duqeyntii lagu dhaawacay Cali Cabdalla Saalax ee ka dhacday Qasriga madaxtooyada wadankaasi Yemen.



Kadib baaritaano dheer oo lasameeyay ayaa lagu ogaaday in Mareykanku uu isku dayay in uu khaarijiyo hogaamiyaha faasidka wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo ay siyaasadda ku kala tageen isaga iyo Mareykanka.

Weerarkii sida aadka ah loosoo qorsheeyay ee 4-tii Bishan lagu qaaday  qasriga madaxtooyada magaalada Sanca ayaa jiha wareer dhaliyay xiligaas oo ay magaalada ku dagaalamayeen ciidanka Yemen iyo xoogag beeleedka Xaashidda ee saadaq Al-axmar hogaamiyo.

Wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa jira hadal heyn ku ahaan cidda qaaday duqeynta lagu khaarijin lahaa Cali Cabdalla saalax waxaana si aad ah loo hadal hayay in awood shisheeye ay beegsatay aqalka madaxtooyada Yemen.

Koox reer galbeed ah oo baaritaan ku sameysay weerarkii lagu qaaday qasriga madaxtooyada ayaa xaqiijisay in weerarka uu ka dhashay gantaal Mareykan ah oo si khaas ah ladoonayay in lagu bartilmaameedsado Cali Cabdalla saalax.

baaritaanadan lasameeyay ayaa lagu sheegay in gantaalka kusoo dhacay gudaha qasriga uu dhanka cirka ka yimid uuna gaystay burbur baaxad leh islamarkaana uu ka dhaxbaxay shub lagu qiyaasay 8 ML dhanka dumuca.

Kooxdan baaritaanka sameysay ayaa isku raacay in gantaalka lagu weeraray qasriga madaxtooyada uu ahaa mid aad loo hormariyay waxaana lasheegay in gantaalada nuucaan ah aan laga heli Karin dunida marka laga reebo wadamada Ruushka iyo Mareykanka.

Wargeyska Al-uulaa ee Yemen kasoo baxay oo soo xiganaya saraakiil dowladda katirsan ayaa sheegay in wasiirada Yemen intooda badan ay aaminsanyihiin in qorshihii lagu dili lahaa saalax ay lagasoo maleegay dibadda.

Cabdi Rabah Mansuur Haadi K/xigeenka Cali Cabdalla saalax ayaa horay u sheegay in xukuumadu aysan cidna ku eedeyn Karin weerarkaasi taasi oo muujinasa shakiga ka dhax jira Yemen iyo Mareykanka.

Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa doonaysa in Cali Cabdalla saalax booska baneeyo si ay u keensato hogaamiye kale oo u bedelay howshii ashahaadda ladirirnimo ee uu u hayay. 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...