Saturday 4 June 2011

DEG DEG: Ciidamada DKMG oo Gacanta ku Dhigay Qeybo Hor leh oo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho


Muqdisho (RBC) Ka dib dagaal culus oo saaka waabarigii ka qarxay qeybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa ciidamada DKMG waxay gudaha u galeen xaafado ka tirsan degmada Shibis iyo Afrta Jardiino.
Sidoo kale warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada ay ku dhowaadeen suuqa labaad ee ugu weyn magaalada ee Suuq Bacaad iyo deegaano ay ka mid yihiin suuqii Siinaay iyo qeybo ka mid ah Manaboolyo.
Goob joogayaal ku sugan suuq Bacaad ayaa u xaqiijiyey RBC Radio in ciidamada DKMG ay si rasmi ah ula wareegeen Afarta Jardiino iyo Siinaay ka dob dagaal saf balaaran ah oo ay wada qaadeen ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom.
Xoogaga Al Shabaab oo difaacyo ku lahaay deegaanada la qabsaday ayaa la sheegay in ay u gurteen dhanka Bari ee xaafadaha Arjentine oo weli dagaalku ka socdo.
Waxaa joogsaday dhaqdhaqaaqii suuq Bacaad oo ahaa suuqa labaad ee Muqdisho iyadoo goobihii tirada yaraa ee ganacsiga ahaa ee ka furnaa suuqana saaka irdaha la isugu dhuftay.
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkan ayaan weli la tirakoobin, Mana jirto wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay dhanka DKMG iyo Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha kala soco RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...