Tuesday 14 June 2011

Dallada Ururada Bulshada Rayidka deegaanada Ex Banaadir oo cambaareeyay banaan baxyadii ka dhacay Muqdisho

Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Ex Banaadir ayaa war saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan ay yeesheen Gudiga Fulinta waxay ugu hadleen Xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan nabadgelyada, banaan baxyadii ka dhacay Muqdisho iyo qalalaasaha ka taagan.

War saxaafadeedka oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka deegaanada Ex Banaadir, waxaana ay ugu horeyn ay soo dhoweeyeen dadaalada Beesha Caalamka ee taageerida Dowladda, xalinta khilaafaadka Madaxda Dowladda.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay banaan baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay dhowaan magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku tilmaameen kuwo abaabulan oo qasaarooyin naf iyo maalba geystay, isla markaana lid ku ah nabadgelyada.
Arag Documentka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...