Thursday 9 June 2011

Daawo Sawirada Ra'iisul Wasaaraha oo dadka banaan baxayaasha la hadlay, markii uu Hoygiisa yimaaday

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shacbiyad ballaaran ka helay shacabka ayaa markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha shacabka u mahadceliyay, isagoo kumanaanka kun ee ku sugnaa banaanka Madaxtooyada ka codsaday inay kala hoydaan, caruurtooda u tagaan.

Mr Farmaajo oo markii uu saarnaa Gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM ka soo baxay, isagoo dusha sare ee Gaariga dadka ugu gacan haatiyay, taasoo kalsooni weyn ugu muujiyay, waxaana dadka ay aad ula yaabeen sida Ra'iisul wasaaraha dadka taageerada ugu muujiyay.

Intaas kadib ayaa Banaan baxayaasha oo loo fasaxay inay soo galaan Hoyga Ra'iisul wasaaraha ka dhageystay hadaladooda, iyadoo mid ka mid ah Haweenkii banaan baxa ay ka codsatay inuu sii joogo, isla markaana aysan aqbaleyn, shacabkana ay si weyn u taageersan yihiin.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa u muujiyay dadka inay is dajiyaan, isla markaana ay rajada fiican tahay, wax walba ay ku dhamaanayaan qeyr, sidoo kale waxaa uu ka dalbaday inay kala hoydaan, caruurtoodana u tagaan, isagoo ka diiday dadka inay caawa ku hoydana Barxada Sayidka.

Madaxweynaha iyo isaga ayaa galabta ay ka soo dageen garoonka, iyagoo diyaarad gaar ah ka soo dejisay garoonka.


http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1547

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...