Wednesday 15 June 2011

Culumo Udiinka Ahlu Suna oo Sheegay Dilkii Fasuul C/lle in ay ka danbeeyeen Saraakiisha ugu Saraysa Al-Shabaab (Dhageyso)

 

Muqdisho (RBC Radio) Culumo udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa ka dhawaajiyay in dilkii Fasuul Cabdalla ay ka danbeeyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sheekh C/laahi Sheekh C/rixmaan Al-Qaadi oo ah Madaxa warfaafinta Culumo udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa waxa uu sheegay in xog ay heleen ay ku ogaadeen in dilkaasi ay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Madaxa warfaafinta ee Culumada Ahlu Suna in dilkaasi uu ka danbeeyay Amiir ku sareeya Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Muqtaar C/rixmaan Abuu subayr.
“Waxa uu Waday Fasuul fariin ah in xilka laga qaado Abuu Subayr Taasi ayaana keentay in Abuu Subayr uu Fasuul ku soo hago goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya”ayuu yiri Al0Qaadi.
Waxa uu Sheegay Sidoo kale Sheekh Abuu Yuusuf Al-Qaadi in arintaan ay muujinayso Fashilka ku yimid kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili ciidamada dowlasda KMG Soomaaliya ay dileen Fasuul C/lle Maxamed oo ahaa hogaamiyihii kooxda Al-Qaacida ee bariga Afrika.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...