Tuesday 21 June 2011

Ciidamo AMISOM katirsan oo Muqdisho lagu dilay.



somalimemo.netFaah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ciidamada shisheeye lagula eegtay magaalada Muqdisho oo ay socod ku marayeen.
Khasaara aad u xoogan ayaa la sheegay in cadawga uu kasoo gaaray qarax maanta duhurkii ka dhacay wadada isku xirta Ex.control iyo Asluunta halkaasi oo ay marayeen ciidamo Burundiis ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay wateen ciidanka Burundi waxaana la arkay Meydadka ilaa iyo 5 Askari oo jirkoodu jarjarmay.

Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin oo lahadlay Idaacadda Islaamiga Andalusa xarunteed Muqdisho ayaa sheegay in guutada qaraxyada mujaahidiinta ay dileen 4 Askari.

Isbitaalka Xalane ee ay isticmaalaan kuffaarta shisheeye ayaa ladhigay dhaawacyo katirsan ciidanka shisheeye balse majirto cid xaqiijin karta cadadka rasmiga ee cadawga ka dhaawacmay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...