Monday 13 June 2011

Ciidamada Nabadsugida Dowladda oo maanta xiray qaar ka mid ah qaban qaabayaasha banaan baxyada iyo gawaarida codbaahiyeyaasha

Ciidamada Nabadusgida Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa howl galo ay maanta sameeyeen waxay isku hor taageen banaan bax la qaban qaabinayay, iyagoo qab qabtay ilaa tobaneeyo dhalinyaro oo aheyd abaabulayaashii banaan baxyada iyo saddex ka mid ah gawaarida codbaahiyeyaasha ee dadka loogu baaqayay inay isugu soo banaan baxan.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaidb markii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku tilmaamay banaan baxyada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana ay qaban qaabinayaan shaqsiyaad gaar ah oo uu ku eedeeyay inay maro isku qarinayaan, ayna ay lacago ku bixinayaan, waxaana Madaxweynaha uu lahjad kulul ku yiri in Shabaab oo ka awood badnaa ay la dagaalameen, isla markaana ay iygana la dagaalami doonaan oo ugala jeeday banaan baxayaasha.

Dhalinyarada la qab qabtay ayaa lagu xiray Xarunta Nabadsugida ee Madaxtooyada, iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo xaaladooda ku saabsan, kaasoo la sheegayo in markii ay qabanayeen Ciidamada ay jirdil u geysteen.

Sidoo kale gawaarida codbaahiyeyaasha oo ahaa kuwo ay shacab lahaayeen ayaa iyagana ku jira xarunta nabadsugida, waxaana tallaabadan ay keentay in qeybaha bulshada ee abaabulka uga jira kacdoonada shacabka ay ku tilmaameen mid dareenka shacabka lagu hor istaagayo.

Qaar ka mid ah shacabka ka qeyb qaadanayay dibad baxyada ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid lagu caburinayo fikirka shacabka iyo dareenka dadka ay la is hor taago, taasoo ah mid aanay caalamka ka dhicin.

Ciidamo fara badan oo kuwa Nabadsugida iyo Boolis ayaa saaka lagu arkayay wadooyinka, kuwaasoo u abaabulnaa qaab ka hortagid ah hadii banaan baxyo ay dhacaan, waxaana xaalada magaalada ay tahay mid degan.

Baan baxyadii ka dhacay 9-kii bishan iyo 10-kii bishan ayaa ahaa mid kumanaan shacab ay ku muujiyeen dareenkooda, ugana soo horjeesteen heshiiskii Kampala ee dhigaya inuu xilka iska casilo Ra'iisul Wasaare Farmaajo, waxaana taas keentay in shacabka ay ka caroodaan, isla markaan waxqabadkii muuqday mudadii ay jirtay Xukuumada Farmaajo lagu abaal mariyo in meesha ay ka baxdo.

Inta badan banaan baxyada ayaa ahaa kuwo ka dhacay Gobolada dalka iyo dibadbada, kaasoo markii u horeysay shacabka Soomaaliyed ku taageereen Ra'iisul Wasaarihii u horeeyay, ugana soo horjeesteen fara gelinta Beesha Caalamka ku heyso Dowlad dhidibada u taagta hanaankii Dowladnimo iyo kala dambeynta

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...