Tuesday 21 June 2011

Ciidamada Mujaahidiinta oo lawareegay Buufow Gedo.



somalimemo.netMujaahidiinta ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka gaalada hoos jooga ee la khalday in ay alle u towbad keenaan oo ay dadkooda si nabad ah ula noolaadaan.

Warkan kasoo yeeray mujaahidiinta Somaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalin kahor Generalada ciidanka Uganda si xoog ah u Eryeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo R/wasaare ugu magacaawnaa DKMG ah.

 Ciidamada mujaahidiinta ayaa si nabad gelyo ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buufow oo kaabiga ku haya degmada Luuq ee wilaayada Islaamiga Gedo.

Wararka ka imaanaya Luuq ayaa sheegaya in maanta aysan wax dagaalla ah dhicin balse ciidamada mujaahidiinta ay kusii gurguuranayaan dhanka Luuq.

Dagaalkii shalay ka dhacay Bohol Bashiir ayaa saameyntiisa weli ladareemayaa waxaana maanta la aasay Meydadka maleeshiyaad Itoobiya raacsanaa oo dagaalkii shalay lagu dilay.


Saraakiisha mujaahidiinta ayaa sheegay in ay weli daba joogaan maleeshiyaadkii shalay lala dagaalamay, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Mujaahidiinta ay ku suganyihiin meel 4 KLM u jirta Luuq.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...