Monday 20 June 2011

Cabdi faarax “ waxaa la dhihi karaa laba shariif waxay Umadfa Soomaaliyeed, u keneen Gumeysi Madow, is casilaadii farmaajana waa ayaan daro…

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhaliilo u soo Jeedinaya heshiiskii Kanpala, waxayna sheegeen in laba shariif ay Umada Soomaaliyeed u keenen Gumeysi madow.
Cabdi faarax cabdi Jabuuti oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa eedayn dusha uga Tuurau Gudoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan sheikh aadan iyo Madaxweynaha Soomaaliya sheikh shariif, oo uu ku eedeeyay in umada Soomaaliyeed ay badeen gumeysi madow.
“ laba shariif waxay na badeen in sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Ugandha inta Muqdisho, yimaada uu ku amro Raisal Wasaaraha Soomaaliya in uu deg deg isku casilo, taas waxaan oran karnaa waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya laba shariif” ayuu yiri Cabdi faarax.

“ Is Casilaada Raisal Wasaare farmaajo waa ayaan daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, laba shariif dalka way joogeen 2006-kii wixii ka danbeyay, Xukuumadihii soo maray Soomaaliya 20-kii sano, ma jirin Xukuumad dayactirtay Taleefishinki Qaranka, ma jirin Xuukumad Xukun ku fulisay askari askari Dilay, ma jirin Xukuumada hubka magaalada ka mamnuucday, ma jirin Xukuumada askarta mid Hiiraan, Jiboyinka ilaa Gedo mushaarkooda siisay, marka waxaan oran karnaa Heshiiskii kanpala intaas ayuu diidanaa, wayn soo qaateen laba shariif ayaga oo Og” ayuu markale si kulul u yiri siyaasigani.
“ laba shariif umada Soomaaliyeed waxay ugu qoranyihiin baal Madow, farmaajanna waxa uu ugu Qoranyahay baal dahab ah, waxba yaysan dhihin Umada Soomaaliyeed ayaan dantooda wadnaa, waxay Miirtaan oo ay Cunaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu markale yiri.
Sidoo kale siyaasigani ayaa ku sheegay Heshiiskii kanpala gumeysi madow oo Cusub, in uu Soomaaliya la Wareegay.
Cabdixakiin Cilmi Xasan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...