Sunday 5 June 2011

Beesha Habar Iji Ceyr oo Heshiis buuxa lagaartay Mujaahidiinta kana baxday Mushrikiinta Galguduud (Warbixin).


somalimemo.netBeesha Habar Iji Ceyr oo Heshiis buuxa lagaartay Shabaabul Mujaahidiin.
Mid kamida beelaha dega gobolka Galguduud ayaa maanta heshiis taariikhi ah lagaartay mujaahidiinta Somaliya ee ka jihaada bariga qaaradda Afrika.

Kadib kulamo hoose oo ay yeelanayeen mas'uuliyiinta wilaayada Galguduud iyo Odayaal dhaqameedyo katirsan Beesha Habar Iji ayaa looga hadlay arrimo badan oo ka dhexeeya beesha iyo mujaahidiinta.

Madashii kulan oo ka dhacday magaalada Ceelbuur waxaa goob joog ka ahaa Wabaro,salaadiin,culimaa'udiin iyo cuqaal metelaysay beesha Habar Iji dhanka wilaayadana waxaa metelayay Sheekh Yuusuf Kaba kudukade.

Ugu horeyn beesha Habar Iji Ceyr ayaa Allaah weydiisatay in uu ka cafiyo dunuubtii ay mujaahidiinta ka gashay kadib markii ay dagaal u cadeysatay ciidamada Allaah ee Mujaahidiinta Somaliya.

Beesha ayaa sheegtay in ay ka waantowday dhamaanba colaadii ay u heysay mujaahidiinta Somaliya iyadoona mujaahidiinta ka codsatay in ay iska saamaxaan.

Sheekh Yuusuf Kaba Kudukade oo Heshiiska u saxiixay dhanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in mujaahidiintu ay iska cafiyeen dhamaan dadka gaashaan qaadka ah ee Beesha Habar Iji ee ladagaalamay Mujaahidiinta hadii ay ahaan lahaayeen kuwa kujira dowladda Ridada,Mushrikiintaba.
Qodobada  Heshiiska waxaa kamid ah.

1-in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay iska cafisay dhamaan beesha Habar Iji marka laga reebo shakhsiyaadka ku jira dowladda Riddada iyo Ururada gaalada lajira.

2-in Beesha Habar Iji ay ka baxday isbahaysigii gaalada ayna beyco ku gelayso difaaca diinta Alle.

3- In Beesha aan loo qaban wixii dhacay xiligii dagaalku u dhexeeyay mujaahidiinta iyo beesha.

Heshiiskan ayaa gilgili doona Mushrikiinta Guriceel iyo Dhusamareeb ku sugan oo in mudda ah beeshani garab u aheyd, geesiyaasha towxiidka ayaa muddo sanada ah dagaal kula jira mushrikiinta Galguduud oo Itoobiya wakiil u ah waxaana isbahaysigaasi gaalnimada ah ku jiray beela Soomaaliyeed oo markii ay dhimashadu ku badatay dhan walbana cariiri kasoo wajahay garwaaqdasay in ay ka baxaan isbahaysigaasi mugdiga ah.

Beesha Habar Iji ayaa ugu cadcadeed beelaha Galguduud ee Mujaahidiinta ladagaalamay iyagoo kaashanaya gaalada Itoobiya, mujaahidiinta oo isugu jira Muhaajiriin iyo Ansaar ayaa ku sabray culeys dhan walba ah oo xizbiga sheydaanka ugu yimid ugu dambeyna helay Nasriga Alle u yaboohay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...