Friday 10 June 2011

Banaan baxyo waa weyn oo maanta ruxay Magaalada Nairobi+Sawrirro

Banaan baxayaal skood isku soo abaabulay ayaa salaadi Jimcihi kadib waxaa ay ka soo kala tageen masaajidyada xaafada Islii sida Al-Xaq Blaza , Masjidka 6-ka , 12-ka iyo dhamaan suuqyada ganacsiga xaafadaas.

Banaanbaxa oo ahaa midki ugu weynaa ay Soomaali dhigto taarikhda dalka Kenya gaar ahaan xaafada ay ku badanyihiin ayaa u muuqday dadka shucuurtooda mid si weyn dadka looga aqrisan karay ineysan la dhacsaneyn is casilaada R/wasaaraha, iyo heshiiska daba kariixa ah ee labada sharif.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ka mid ahaayee “Shariifyada ha dhacaan “ Farmaajo ha noolaado iyo “Farmaajo Jue “ iyo “labada shariif jiini” oo ah ereyo Kisawihil ah micnihiisuna yahay Farmaajo kor iyo labada shariif hoos taas oo muujineysay sidoo kale in Soomaalida Kenya laftooda ay raacsanaayeen in Farmaajo uu sii joogo, labada shariifna ay meesha ka baxaan.

Waxa ay isugu jireen mudaaharaadayaasha haween, dhalinyaro , caruur iyo waayeen intaba iyadoo indhahooda ilmo buuxiyaya qaar ayaa socod ku daalay oo gawaari kireystay iskood.

Dadweynaha ayaa sido kale waxey sheegeen inay taagersanyihiin dadweynaha reer Muqdisho iyo gobolada dalka ee dhigaya dibadbaxyada aan kal joogsiga laheyn .

Banaanbaxayasha qeybo badan ahaa ayaa waxa ay hor tubanayeen hoteelada Barakat , islii Mall , Samad Lodge iyo dhamaan hotelada xaafada Islii oo ay ku noolyihiin badanaa xildhibaanada Soomaaliya .

Banaanbaxan ayaa qeyb ka noqonaya banaanbaxyo looga soo horjeedo iscasilada Farmajo oo daafaha duniada ka socda .

Wali wuu soconayaa mudaaharaadka saacadba saacada xigtana wuu sii xoogeysanayaa dadkuna waxa ay kasiibadanayaan.

Dadka saadaaliya siyaasada Soomaaliya ayaa qaba aragti ah in kacdoonkan uu u muuqdo midkii ay ku badbaadi laheyd Soomaaliya , Farmaajana uu noqonayo siyaasigi horseedi lahaa isbadal shacab oo Soomaaliya ay 20sano kadib dawlad daacad ah ku hesho.

Nairobi waxaa jooga xildhibaamno taageran badankood Shariif Xasan oo manta sheeda kala socday dareenka banaanbaxayaasha , waxaana qaarkood uu sheekeynayey laga soo xigtay iney qireen taagerada R/wasaaraha iyo wanaagiisa mar walbana ay ku bireysanaan doonaan rabitaanka shacabka oo ah mar walbaa muqadas ah .

Xasan Cali Geesey
Nairobi-Kenya















No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...