Tuesday 21 June 2011

Arinta layaab leh ee ka taagan Villa soomaaliya(Maxaa ka Taagan)

Arinta layaab leh ee ka taagan Villa soomaaliya ayaa ah in Shariif Xasan uu donaayo in marka hore Heshiiskii kambala la hor geeyo Golaha Barlamaanka si loo meel mariyo Ayadoo taasi uu ka donaayo in xildhibaanada ay diidaan Heshiiskii Kambala taas ula jeedkii damacsanaa in doorasho la qabto taas oo aan cidna la weeydinaynin haddii barlamaanka la geeyo inaay diidayaan heshiiska kambala bal adba.

Arinta la yaabka ah ee ka taagan Xarunta Madaxtoodaya ayaa ah inShariif Hassan uu Doonaya in marka hore Heshiiskii Kampala la hor geeyo Golaha Barlamaanka si loo meel mariyo ayadoo taasi uu ka doonaya in Xildhibaanada ay diidaan Heshiiskii Kampala taas oo ah ula jeedkii uu damacsanaa in Doorasho la qabto taas oo iska cad hadii Barlamaanka in ay diidayaan ka dibna wadanka lagu qasban yahay in doorasho la qabto.

Mudane Mahammed Osmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka ee malmahan goob jog ka ah Xarunta Villa Somalia ayaa saxafada u sheegay in arin la yaab leh ay ka taagan tahay Xarunta villa soomaaliya taas oo waji cusub oo hor leh u furtay laba shariif ayuu yiri.

“Shariif Hassan ula jeedkiisa kaliyah ma aheyn in Xilka laga Casilo Ra’isul Wasaarihii hore Farmaajo ee waxuu doonayaa in Heshiiska Xildhibaanada aysan rabin ee Kampala lagu soo gaaray in ay diidaan Xildhibaanada kadibna uu sheego in Doorasho la qabto taas uu doonayo in Saxibkiis Shariif uu meesha ka saaro laakiin hada ayaa waaga u baryay Madaxweyne Shariif.

Xildhibaanka waxuu kaloo inoo sheegay in hada Madaxtooyada ay buuq iyo sawaxan xoogan laga dhax maqlaayo ayadoo Xildhibaanada Badankooda taageeray Madaxweynaha si uu u magacaabo Ra’isul Wasaare Cusub laakiin hadii Heshiiskii Kampala cod loo qaado oo Barlamaanka la geeyo waxaa meesha ka baxayo heshiiskaas dhan sidaas waxaa qasab ah in Augosto Doorasho la qabto waana siyaasad cusub uu ciyaarayo Shariif Hassan.

Si kastaba ha ahaatee Arinta la yaabka ku noqotay Xildhibaanada waa sheekada ah in aan la ogaan Karin waxa uu rabo Shariif Hassan oo ka socda tiisa laakiin ay sheekada ku biya shubatay waa in Doorasha la qabtaa waana in loo hogaan samaa sharciga dalka asagoona ku tilmaamay Heshiiskii Kampala mid aanan xal u aheyn dalka iyo dadkaba Cajiib..

XIGASHO SAXAFADA.COM
W/qorey Cabsiye maxamed Cabdulle
saxafadacom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...