Friday 3 June 2011

Amisom oo Saldhigi Waayey Saldhigyadoodii kana Guuray Fariisimahay ku Lahayn Dabka, Shaqaalaha, iyo No:4


Muqdisho:- Siday Shabaabku u bilaabeen farsamada cusub ee ah in loo soo qaato darayska maryocalasta baa waxaa Amisom ku dhacay cudurro cilmi-nafsi ah. Arrimahaasi waa kuwii gumeysigii reer Yurub looga saaray Kuuriya iyo Fidaynaam!

Waa qofkee qofka kala saari kara Soomaali darays gashan? Waxaa hadda Amisom lagu khasbay inay ka baxaan saldhigyadii ay ku lahaayeen Dabka, guriga Shaqaalaha, Shaneemo Ikwatoore, Safaaraddii Masar, iyo dhismayaashii Tahliil Warsame.

Ma durbadiiba? La isma gaarin. Calal-uusta waxaa ku filan lacag. Weliba hadday lacag u sii baahi qabaan marka la yiraahdo: ma dhex mari kartaan magaalada idinkoo hub sita! Haddii arrintaas lagu khasbi karo maryocalasta; Soomaaliya  mar horay nabad ka dhici lahayd.

Boggagga Amisom taageera baa leh: Amisom waxay aadeen furimaha! Waa iska-hadlid! Soow maryocalas lama joogaan furimaha? Haddii Amisom gudaha loogu tagay; yaa diidaya in furinta loogu tago? Waxaa halkaas ka cad caqli xumada shabakadahaas! Haddii la yiraahdo shacabkaa laga dheeraaday; Shabaabku shacab isuma ekeysiin ee waxay isu ekeeyeen maryocalas. Waxa Amisom furimaha la joogana waa maryocalas. Marka markay soo dhowaadaanba waxaa badan fursad lagu halaagi karo. Waxaa u fiican inay iska baxaan.

Dhowaan war baa geli doona Amisom! Mar dhow waxaa dhici karta in Indhocadde ula ekaado Abu Jabal, Sidoo kalana Murtad Shariif ula ekaado Fu’aad Shongole dabadeedna toogasho ku bilaabaan nimankaas! Micnuhu waa iyagoo leyn doona maryocalasta la shaqeysa markay u qaataan inay Shabaab yihiin!

Waa Toogasho ciddii lagu arko iyagoo Tuute Qaba ama Qori ku dhex sita  Magaalada!




Cidda Amisom dili doonto waa nimankaas tuutaha iyo qoryaha wata iyo maryocalastooda!

Maxamed Xaamud

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...